Madaxweynaha Jabuuti Ismacil Cumar Geele oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arr. Dibada Somaliland
07 May, 2012 -
Jabuuti - Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed C/laahi Cumar. Labada masuul ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii ay labada dal uga wada qayb qaadan lahaayeen horumarinta mandaqada Geeska Afrika.
Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland ayaa maalintii shalay u kicitimay dalkaasi, iyada oo uu hore uga sii horeeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur), waxaanay safarka labada masuul inay ka dambaysay lala xidhiidhinayaa ka dib markii Xukuumadda Somaliland xadkeeda ay la wadaagto dalka Jabuuti ka celisay Masuuliyiin ay ku jiraan Wasiiro, taasi oo keentay in si deg deg ah dalkaasi safar ugu tago Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, iyada oo uu ka daba tagay wasiirka arrimaha dibadu,
Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland C/laahi Maxamed Cumar ayaa ka dib markii uu Madaxweynaha Jabuuti kulanka la yeeshay, waxa uu sidoo kale kulan la qaatay dhigiisa dalka Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf, waxaanay labada masuul ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada wadan ka dhaxeeya.
Source: Gabiley News
«
Prev item -
Next Item »
---------------------------------------------
Comments
No comments yet. You can be the first!
Leave comment