Opinions











Google
 
Web Somaliland

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo furay dhisme cusub oo ay dhisteen Komishanka Doorashooyinka Qaranka

07 May, 2012 -
20120507-saylici.jpg
Hargeysa - Madaxweyne ku-xigeeenka Somaliland ayaa xadhiga ka jaray Dhismaha Komishanka Doorashooyinka qaranka Somaliland ee Magaalada Hargeysa, kaasoo dhsimihiisu socday labadii sanadood ee ugu dambeeyay. Munaasibada xadhiga lagaga jaray Dhismahan cusub oo lagu qabtay xarunta Komishanka waxa ka soo qayb galay Masuuliyeen badan oo ay ka mid yihiin:

Madaxweyne ku-xigeenka Somalilnad, Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee xukuumadda, Safiirka Maraykan u fadhiya Kenya, Ergo ka socta wadamada Qaadhaan-bixiyayaasha, Saraakiil ka socota Hay'ada Interpeace, kuwaasoo dhamaantood gacan ka geystay dhismaha cusub ee Komishan Doorashooyinka.

sidoo kale waxa munaasibadaasi goob-joog ka ahaa todobada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, qaar ka mid ah madaxda Asxaabra siyaasada iyo saraakiil ka tirsan Hay'adaha iyo Ururadda Muxaliga ah ee dalka ka hawl-gala.
Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Maxamed Axmed Xirsi (Geele) oo furitaankii Munaasibadaasi ka hadlay ayaa ka waramay sidii lagu hir-geliyay Dhismahan, waxaanu sheegay in laga bilaabay Qaadhaan yar oo laga soo uruuriyay qaar ka mid ah Jaaliyada reer Somaliland dibada, hase yeeshee markii dambe ay ka qayb qaateen dhamaystirkiisa qaar ka mid ah wadamada deeqaha Bixiya ee Reer YURUB iyo Maraykanku, sida EUROPEAN UNION, Denmark, NORWAY, SWEDEN, UK, SWIZERLAND iyo USA.

afhayeenka Komishanka dorashooyinka qaranka Somaliland waxa uu sheegay in dhismahani hada u baahanyahay qalabayn iyo in la awdo Baahiyaha kale ee hoose, hase yeeshe uu dhisme ahaan dhamaystiranyahay, isagoo dhinaca kalena tibaaxay inay u baahanyihiin in loo dhiso xafiisyadii kale ee Gobolada, waxaanu yidhi "dhismahani iminka wuu dhamaaday laakiin wali wixii la hoos dhigi lahaa ma hayno xafiisyadii kale ee Goboladanu waa u baahanahay"ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka qaranka Ciise Yuusuf X. Maxamed oo isaguna halkaasi ka hadlay ka hor intii aanu madaxweyne ku-xigeenku xadhiga ka jarin dhismaha ayaa ka waramay nidaamka doorashooyinka dalka iyo waxqabadkii Komishanka ee mudadii ay shaqaynayeen, waxaanu ku faanay in wax qabadkoodii uu ka mid yahay dhismahan cusub ee maanta Xadhiga laga jaray "waxaad ogtihiin in Xilku meerto yahay oo maalinba cidi Kursiga ku fadhido, sidaa awgeed anagu mudadii aanu shaqaynaynay wuxuunbaanu ku dedaalaynay inaanu umadda wax anfaca uga tagno, markaa dhismahani wuxuu ka mid yahay waxyaabihii aanu ku guulaysanay intii aanu joognay, waxaanan odhan karaa weelkii aynu wax ku shubaynay waynu haynaa laakiin waxa loo baahanyahay wixii lagu tayayn lahaa, haday shaqaale noqoto iyo hadii ay qalabayn noqotaba".

marka kale Guddoomiyuhu wuxuu sheegay "doorashooyinka soo socdaa way ka duwan yihiin qaabkii hore ee aynu doorashooyinka u geli jirnay, markaa taasina waxaanu ku gudo jirnaa diyaarintedii"ayuu yidhi.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa ugu dambeyn xafladaasi ka hadlay, kaasoo mahad naq iyo amaan ka dib xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee loogu talo galay Komishanka Doorashooyinka qaranka Somaliland oo mid Fooqa oo ka kooban saddex Biyaano oo isa saaran, halka markii hore ay ka degenaayeen Guri Bangalo ah oo aan ku filnayn.
Geesta kale waxa xaflada ka hadlay Wakiilka dawlada Maraykanka ee dalka Kenya oo booqasho ku jooga Somaliland iyo sarkaal ka tirsan Hay'ada Interpeace oo qayb libaax ka qaadatay taabo gelinta Dhismaha xadhiga laga jaray, kuwaasoo mahad naq iyo amaan u soo jeediyay Komishanka iyo dawlada somaliland, isla markaana balan qaaday inaanay ka daaalayn gacan siinta ay la garab taaganyihiin dawlada Somaliland ee ka midka ah qaramada soo koraya ee ka tirsan Qaarada Afrika, kuwaasoo u baahan in taageero loo fidiyo.


« Prev item - Next Item »
---------------------------------------------

Comments


No comments yet. You can be the first!



Leave comment


This item is closed, it's not possible to add new comments to it or to vote on it