Opinions











Google
 
Web Somaliland

Radio Hargeisa Halkan ka Dhagayso


Gudoomiyaha Mucaaridaka Jabouti Oo ka Hadlay Xidhiidhka Jabuuti iyo Somaliland

09 May, 2012 -
20120509-Roble.jpg
Djabouti - Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka PND Aadan Rooble Cawaale ee Dalka Jabuuti ayaa Sheegay in Xidhiidhka labada Dal meel Xun maranayo isla markaana waxa uu khalad ku Tilmaamay in Wafti ka socda jabuuti Amar la’aan kusoo galo Dal kale iyaga oo aan marin Sharciga u yaala Dalkaasi.

Aadan Rooble Cawaale waxa kale oo Saluug ma Muujiyay Hogaaminta Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xukuumaddiisa isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “ Dalkan jabuuti ma jirto Wax la odhon karo Waa Xukuumad, nin baa magacii sidda la yidhaa ismaaciil Cumar Geelle, annagu haddaanu mucaarid nahay isaga ayuunbaa is magacaabay ee Maaha nin Madaxwayne loo doortay, tuugo ayuu ku yimi madaxtinimada,”

Aadan Rooble mar uu ka hadlayay Waftiga Jabuuti ee laga Celiyay Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Way ku Saxsanyihiin Somaliland in ay Diidaan Waftigaasi, waayo looma sii sheegin, waftiga iyo waxa ay usocdaan toona, markaa dawlad is sharfaysa ayay noqdeen oo waxay yidhaahdeen maxaad noogu soo sheegi waydeen, anigu markaa Somaliland kuma diidani arinkaasi haddii aan ahay PND Hogaamiyihiisa, markaa halkan jabuuti ayay dhibaatadu ka joogtaa, ninkan isku magacaabay Madaxwaynaha Dalka jabuuti wax madaxtinimo ah oo uu ku Shaqeeyaa Ma jirto, xukuumad jirtaa ma jirto, walaw haddana ay sheeganayaan in 190-ka Dawladood ee Aduunku ictiraafsanyahay ay ku jiraan, haddana sidii dawladeed uma socdaan, mucaarid ahaan uma dhaliilayo balse wax dalwad lagu sheegaa meesha kama jirto”
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“ Walaahi anigu waxaan la jiraa Somaliland, meesha haddii Dariiq Cad lagu wada socon waayo oo la isku sheegi waayo waxa loo socdo iyo waxa dalka loo galayo, xidhiidh dawladeed ma jirayo anigu markaa waxaan qabaa in jabuuti gar daran tahay, Cilaaqaadkii labada Dalna meel Xun marayo”

Aadan Rooble waxa kale oo uu ku Dhaliilay Arintaasi Qoyska Madaxwaynaha jabuuti oo uu Sheegay in aanay Somaliland ula Dhaqmin Nidaam Dawladeed isla markaana aanay marin Dariiqii Saxda ahaa ee laba Dawladood ku wada Dhaqmi jireen.

Gudoomiyaha Xisbiga PND waxa uu Carabka ku Dhuftay in Dalka jabuuti ay ka jiraan Tacadiyo lagula kaco Axsaabta Mucaaridka ah iyo Toojaro ka Baxsan Dhaqanka Suuban ee islaamka isaga oo xusay in Xabsiyada dadka ku jira loo gaysto jidh dil “ Waxaa jiraa illaa 30 qof oo u Xidhan siyaasad, oo mid walba lagu Sheegayo Dalkuu meel kaga dhacay iyo waxyaabo been ah oo aan sharci ku Dhisnayn ayaa la sheegaa, waxaa jira oo kale Dadka jidh dil ayaa loo gaystaa, waxa ugu sii daran waa jidh dilka, Xadhigana Xaq looguma laha dad siyaasiyiin ah oo qaarkood ay ka mid yihiin Xisbigan aan madaxda ka ahay ee PND la yidhaahdo,markaa sida runta ah dad badan ayaa siyaasad u xidhan, Aduunka oo dhan waanu gaadhsiinay, anigu maan maqal Somaliland dad siyaasad u xidhan,laakiin jabuuti waanu cadaynaynaa inay jiraan, illaa soddon baanu ku qiyaasnay” ayuu yidhi Aadan Rooble Cawaale.

Dhinaca kale Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa weji gabax kala kulmay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti uu Jimcihii todobaadkan safar kedis ah ku tagay.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo amar uu bixiyay inay Somaliland soo galaan loogu diiday wasiirro reer Jabuuti, balse fulida amarkaasi ka dib safar kedis ah ugu duulay caasimada Jabuuti ee Jabuuti si uu dawlada dalkaasi uga soo qanciyo ujeedada keentay in masuuliyiintooda dalka laga celiyo, ayay u suurto-gali-wayday inuu la kulmo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Ismaaciil Cumar Geelle oo la doonayey inuu u sharaxo sababta keentay inuu wasiirradiisa dib uga celiyo xuduudka labada dal u dhexeeya.

Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo Khamiistii todobaadkii hore xuduudka Lowyacado ee gobolka Salal amar uu bixiyay badhasaabka gobolkaasi masuuliyiintaasi oo doonayey inay Saylac gaadhaan dib uga celiyay, isla-markaana Jimcihii u duulay Jabuuti ayaanay ilaa shalay u suurto-galin inuu la kulmo Ismaaciil Cumar Geelle, iyadda oo la tilmaamay in masuuliyiinta kale ee reer Jabuuti u fududeyn waayeen la kulanka Madaxwaynahooda oo la sheegay inuu ka cadhooday talaabada Somaliland loogu diiday wasiirradiisa.

Amarkan wasiirkiisu ku celiyay masuuliyiinta reer Jabuuti oo xitaa galaaftay badhasaabkii gobolka Salal Maxamed Muuse Bucul oo habeen Afraadkii Madaxwayne Siilaanyo xilka ka qaaday, ayaa haddana Duur ku guuldareystay inuu arko Ismaaciil Cumar Geelle ilaa wasiirka wasaarada arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar uu ka daba dhoofo si uu u kulansiiyo Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle oo ka weji dedbaya inuu arko, waxaana wasiirka khaarajiga Somaliland uu shalay suurtogaliyey inay kulmaan Madaxwaynaha Jabuuti iyo Duur oo ilaa jimcihii todobaadkan Jabuuti ku roocaadinayey la kulanka Ismaaciil Cumar Geelle.

Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayay fududeynta hawshan u sahashay hadal uu warbaahinta ka sheegay maalin ka dib markii masuuliyiinta reer Jabuuti xadka laga celiyay, kaasi oo ahaa in dib u celinta Masuuliyiintaasi ay sababtay isfaham la’aan, taasi oo ahayd in masuuliyiinta reer Jabuuti aanay xukuumadda Somaliland u soo sheegin inay dalka soo galayaan, balse wasiirka arimaha gudaha oo isagu amarkan bixiyay ayaan ilaa hadda warbaahinta ka sheegin sababta uu amarkaasi u bixiyay, hadal la’aantaasi oo keentay in shacabka iyo dawlada jabuutiba u fahmaan inuu u kas masuuliyiintooda Somaliland ugu diido.




Source: Wargeyska Caalami


« Prev item - Next Item »
---------------------------------------------

Comments


No comments yet. You can be the first!



Leave comment


This item is closed, it's not possible to add new comments to it or to vote on it