Opinions











Google
 
Web Somaliland

Radio Hargeisa Halkan ka Dhagayso


Wasiirka Maaliyada oo Booqdey Kastamka Cashuuraha Qaadka Kalabeydh iyo Kastamka Tog-Wajaale

09 May, 2012 -
20120509-samale2.jpg
Kalabeydh - Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdi-Casiis Maxamed Samaale oo uu Wehelinayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan, ayaa booqasho kormeer ah kusoo Gaadhey Kastamka Cashuuraha Qaadka Kalabeydh halkaas oo uu xogwaran ku sahabsan howsha Shaqada Kastamka kaga dhageystey Maamulka Kastamkaasi.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdi-Casiis Maxamed Samaale, waxa uu Warbixin ka dhageystey Maamulaha Kasatmka Cashuuraha Qaadka Kalabeydh C/raxmaan Ciro oo uga Waramay Wasiirka howsha shaqada Kasatmka Cashuuraha taas oo uu ku sheegay in ay shaqeeyaan inta ugu badan 24ka Saacadood ilaa saqda dhexe ee Habeenkii,islamarkaana uu kordhey tan iyo intii Xukuumada cusubi jirtey dakhliga caadiga ah ee kasoo xerooda Cashuuraha qaadka laga qaadaa.



Waxaanu Wasiirka Wasaarada Maaliyadu uga mahad celiyay, guud ahaanba Maamulka iyo Shaqaalaha Kastamka Cashuuraha Qaadka Kalabeydh howsha culus ee ay hayaan isagoo sigaar ahana ugu bogaadiyay ilaalinta iyo korodhka dakhliga ee ay kor u qaadeen taas, oo uu tilmaamay in ay tahey guul sumcad iyo magacba u keeneysa shaqadooda Waxaanu gabagbadii uga mahad celiyay,sida ay ugu dhabar adeygeen howsha culus ee ilaalinta iyo ururinta dakhliga cashuuraha ee ay habeen iyo Maalinba usoo jeedaan.



Sidoo kale waxa uu Wasiirku booqdey Kastamka Magaalada Tog-Wajaale halkaas oo uu warabixino kaga dhageystey Maamulaha laanta Tog-Wajaale iyo Maamulaha Cashuuraha Barriga, taas oo uu Maamulaha Cashuuraha Barriga ee Laanta Tog-Wajaale u sheegay, Wasiirka in ay sadex laabeen dakhliga lacagaha Cashuurta Macaashal-macaashka intii ay awal hore aheyd, Waxaanu Wasiirku ku dardaarey ugu dambeyntii in ay dedaal dheeraad ah muujiyaan Maamulka iyo howlawdeenada Kasatmka Cashuuraha .



Waa markii labaad ee nooceeda ah oo Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdi-casiis Maxamed Samaale kormeer xogwareysi ah kusoo maro Kasatmka Cashuuraha Qaadka ee Kalabeydh, isagoo mudadii ugu badneyd shaley ku dhageystey Warbixinta kormeerkiisa.




Sources: Hadhwanaag

« Prev item - Next Item »
---------------------------------------------

Comments


No comments yet. You can be the first!



Leave comment


This item is closed, it's not possible to add new comments to it or to vote on it