Golaha Wakiiladda Oo Cod Ku Meel-mariyey Xeerka Sirdoonka Qaranka
15 Oct, 2012 -
Hargeysa – Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa manta cod aqlabiyad ah ku meel-mariyey Xeerka Sirdoonka Qaranka. Fadhigan oo uu shir-gudoominayey Guddoomiye-ku- xigeenka kowaad ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, ayaa Goluhu waxa uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerka sir-doonka Qaranka, xeer No,59/2012.
Fadhiga manta oo ay soo xaadireen 42-Mudane waxa ansixinta xeerkaasi Ogolaaday 34 mudane,waxaa diiday shan xil-dhibaan, waxa ka aamusay laba mudane, Gudoomiyuhuna muu codayn. Sidaasina waxa ku ansaxay xeerka Sirdoonka Qaranka JSLand xeer No, 59/2012.
Sida la og-yahay xeerka sirdoonka Qaranku wuxuu muddooyinkii u danbeeyey hor yaalay Golaha wakiilada Somaliland si ay u ansixiyeen.
Khali Ibraahim Gabiley News
Hargeysa
«
Prev item -
Next Item »
---------------------------------------------
Comments
No comments yet. You can be the first!
Leave comment