Opinions











Google
 
Web Somaliland

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Dadwaynaha Salaadii Ciida Kula Tukaday Masjid Jaamica Hargeysa

08 Aug, 2013 -
20130808-ciida.jpg
Waxaan guud ahaan hambalyo u dirayaa shucuubta islaamka, gaar ahaan shacabka Somaliland meel kasta oo uu joogaba, golayaasha qaranka iyo ciidamada qaranka, maanta dhamaanteed farxad ayey inoo tahay,”ayuu yidhi madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo saaka khudbad u jeedinayay kumanaan qof oo salaadii ciidul fidriga ku tukanayay masjid jaamaca weyn ee caasimadda.

Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu intaasi ku daray “Waa Ciidii Ciidal Fidriga oo ka mida labada ciidood ee islaamka ugu weyn mid ka mid ah, waxaanan leeyahay ilaahay haynaga aqbalo camaladii aynu soo qabanay bishii barakaysnayd ee Ramadaan.” Md. C/Raxmaan Saylici waxa kale oo uu ka hadlay ahmiyadda ay darajooyinka ciidanka oo muddo laga soo shaqeynayay qaranka ugu fadhido isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maadaama oo muddo badan laga shaqayeynayey darajooyinka ciidamada hadana wax uu qof bini’aadmi ahi ka soo shaqeeyey ma dhamaystirna, maadaama oo qarankii innaga burburay wax badanina is badaleen, mudadii faraha badnayd ee darajooyinku maqnaayeen waxay dawladihii hore uga gabanayeen mar walba sidii layskugu miisaami lahaa ninkii hore darajada u haystay iyo ninkii halganka u soo maray dalka.” Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu ciidammadda kala duwan ugu baaqay inay isku haneeyaan hanaanka loo bixiyay darajooyinka ciidamadda, waxaanu yidhi “Wixii maanta soo baxayna waxaanu idin leenahay annaga oo madaxdii idin hogaaminaysay ah waa inaad ku qanacdaan oo maanta kii wax badan filayey iyo kii wax yar filayeyba aad isku hanaysaan, dad walaalo ah ayaad tihiin oo aad ka qiimaysaan dhinaca qaranimada iyo quruxda soo baxday ee ciidanku ku kala danbaynayo.”

« Prev item - Next Item »
---------------------------------------------

Comments


No comments yet. You can be the first!



Leave comment


This item is closed, it's not possible to add new comments to it or to vote on it