Opinions











Google
 
Web Somaliland

Wasaarada amuuraha dibada ee JSL oo tafaasiil ka bixisay wefti keniyan ah oo dalka ku sugan.

27 Apr, 2014 - Hargaysa(Radio Somaliland)-Af-hayeenka wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland Md. Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi), oo maanta war-baahinta la hadlay ayaa sheegay in u jeeadda ugu weyn ee weftigaasi ka socday Kenya ay Somaliland u yimaadeen ay ahayd sidii ay xogo dheeraad ah uga heli lahaayeen xaaladda amaanka ee uu xiligan la joogo ku sugan yahay dalkan Somaliland.

Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Weftiga ka socday Kenya oo afar xubnood ka koobnaa, isla markaana ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibadda ee Kenya waxaanay dalka yimaadeen Arbacadii la soo dhaafay, waxaanay dib ugu noqdeen dalkoodii shalay (doraad), u jeedadooda u weyn ee Somaliland u yimaadeena wuxuu ku salaysnaa in ay eegaan, oo ay qaadaa dhigaan oo ay qeexaan xaaladdaha ku xeeran nabadgeliyadda iyo waxyaabaha kale ee soo raaca, iyaga oo u sii gobol xaadhaya in ay Hargaysa ka furtaan xafiis ama wakiil”. Af-hayeenku, waxa uu xaqiijiyay in weftiga ka socday dalka Kenya ay heleen xogo ku filan oo ka caawinaya kalsoonidii dhinaca amaanka ee ay uga baahnaayeen dalkan Somaliland, waxaanu sheegay af-hayeenku in weftigaasi mudaddii ay Somaliland ku sugnaayeen in ay booqdeen xarunta wasaaraddda arrimaha dibadda Somaliland ee Hargaysa.

« Prev item - Next Item »
---------------------------------------------

Comments


No comments yet. You can be the first!



Leave comment


This item is closed, it's not possible to add new comments to it or to vote on it