Opinions











Google
 
Web Somaliland

Sababaha hakiyey soo saarista natiijada codbixinta ee gobolka Hargeisa

12 Oct, 2005 - Hargeisa - Jamhuuriya, Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE, Mr. Daa’uud Maxamed Geele ayaanu xalay cawaskii wax ka weydiinay mushkilada ka dhex aloosmay musharixiinta xisbiga KULMIYE dhexdooda ee sababtay gadoodka taageerasha musharax Cali Yuusuf oo cadhaysan ay xalay ku qamaameen xarunta Komishanka Doorashooyinka, Xafiiska Xusbiga Kulmiye iyo guriga Axmed Siiraanyo.

Mr. Daa’uud maxamed Geele, oo ugu horayn ka hadlayay rabshada ay xalay saxeemeeyn taageerayaasha gadoodsan ee musharax Cali Yuusuf ayaa yidhi; “Horta waxan Doorasho la yidhaahdaa waa tartan, markaa kolay cidbaa soo baxaysa cidna way hadhaysaa, laakiin, dad qayru masuul ah ayaa dadkii wax u sheegaya oo odhanaya waxbaa dhacay oo Siilaanyo ayaa codkiinii khiyaameeyay oo Sacad Muuse siiyay ama Daa’uud ayaa idin iibsaday ama komishankii ayaa codadkeenii khalday, doorashadan maanta aynu wax dooranaynaana doorashooyinkii hore waxay kaga duwan tahay dadbaa codeeyay oo doonaya inuu codkoodii meel maro hase yeeshee, dadka xisaab uun baa ka dhaxaysa ee kama dhaxayso dagaal iyo af-lagaado, markaa arrintaa caawa dhacday waanu ka xunahay in dad badan oo dhallinyar ah oo waliba daantaa [Xaafada Iftin) u badani ay buuq ka sameeyaan komishanka ilaa guriga Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Siilaanyo, aadna waanu uga xunahay arrintaa. Waxa lagu yidhi dadka Musharax Cali Yuusuf waa la riday, mana aha xaqiiq oo weli Komishanka war kamuu soo bixin.”

Daa’uud oo ka hadlayay cabashada qaar ka mid ah musharixiinta xisbiga KULMIYE waxa uu yidhi; “musharixiin badan ayaa cabanaya oo ay ka mid yihiin Cali Yuusuf, Ismaaciil Mahdi iyo Cabdilaahi Xuseen Cige, markaa annaga ka Xisbi ahaan cabashada musharixiinta meel ayaanu u furnay musharixiintana waxaanu ku nidhi cabashadiina meeshaa geeya, wixii warqado aanu u ahaynay annagu KULMIYE ahaana waanu u geynay kuwii Komishankana waanu u soo qaadnay farahaananu ka wada saarnay, waxananu ku nidhi cabashadiinu ha noqoto mid run ah, musharax kastowna soo kaxayso Wakiiladaadii oo xisaabso cadadkaaga way soo kaxaysteen waxaanay eegayeen khaladaadka laga galay haday jiraan ama xisaabo ay ka maqan yihiin, markaa Musharax Cali Yuusuf ayaa ugu soo horeeyay markaa cabshadii Cali keenay Komishanka ayaanu ula tagnay oo aanu ku nidhi eega waxbaa iga maqan ayuu leeyahay musharaxaniye, markaa komishankiina waxa uu yidhi anaga noo daaya anaga ayaa u eegayna oo masuuliyadeeda leh.”

Cabashada Musharax Cabdilaahi Xuseen Cige


Musharax Cabdilaahi Xuseen Cige oo ma mid ah musharixiinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargaysa ayaa ka mid ah xubnaha ka cabanayay in tiradii codadkiisa la musuqmaasuqay, waxaanu arrinta ku eedeeyay xisbiga KULMIYE dhexdiisa, gaar ahaan hawlwadeenada xisbiga u qaabilsan tirada codadka ee goob jooga uga ah xafiiska guddida doorashada.

Musharax Cadbilaahi oo aanu wax ka weydiinay arrimaha uu ka cabanayo waxa uu ku jawaabay; “Waxa khaladka leh xisbiga dhexdiisa iyo Komishanka, waxaana khaladka wada cidda xisbiga u joogta Komishanka iyo hawlwadeenada komishanka laftooda oo ku heshiiyay inay musharixiinta codadkooda qaarna hoos u dhigaan qaar kalena codad aanu lahayn siiyaan sida ta ka dhacday Tuulada Abu-riin ee sanduuq NO: 232 oo nin musharaxa la siiyay cod aanu lahayn si uu sare ugu soo kaco oo uu anaga na kor marro. Tuugadaas iyo wax is daba marintaan inay shuraako ku yihiin wakiilada xisbiga u fadhiya komishanka iyo masuuliyiinta guddida doorashooyinka ee degmada waxa markhaati cad u ah sanduuqa No: 232 oo codadkii ku jiray oo tiro khaldan ah ay si wada jira ay u saxeexeen wakiilada saddexda xisbi u fadhiya xarunta komishanka ee degmada iyo masuuliyiinta komishanka ee dagmadu, markii sanduuqaa dib loo tiriyayna ay soo baxeen khaladaad ku saabsan in musharax sanduuqaa ka helay dhawr iyo labaatan cod oo kaliya loo qoray in ka badan laba boqol oo cod oo uu lahaa musharax kale. Taasoo sababtay in musharixiin gaara tirada codadkoodu ay marba marka ka sii dambaysa sii badanayso oo ay kor u sii kacayso, mushariiin kalena ay tirada codadkoodu marba marka ka sii dambaysa ay hoos u dhacayaan oo ay sii yaraanayaan, taas macnaheeduna waxa weeye inay muuqato musharaxa tirada codadkiisu sii kordhayaan inay jirto khiyaamo iyo tuugo oo codad aanu lahayn oo laga gooyay musharax lake si looga kor maro musharax isagu haystay codkiisii xalaasha ahaa.”

Is difaaca Cismaan Hindi


Guddoomiyaha Xafiiska Gobolka Hargaysa ee xisbiga KULMIYE Mr. Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo isagu xisbiga KULMIYE goob joog uga ah hawsha ka socota xafiiska komishanka doorashooyinka ee degmada ee dib u hubinta tirinta codadka doorashada ee hore loogu soo tiriyay goobihii codbixinta ayaanu isagana isla xalay wax ka weydiinay eedaha ku saabsan wax is dhaafdhaafinta is daba marinta tirada codadka ee ay qaar ka mida musharixiinta xisbiga KULMIYE ee gobolka Hargaysa ay masuuliyada eedahaas ay u xambaariyeen isaga maadaama oo uu isagu wakiil uga yahay hawsha hubinta tirinta coddka.

Mr. Cisman Hindi waxa si weyn isaga difaacay eedaymahaas oo uu sheegay inaanay jirin falal musuqmaamuq ah oo ay ku kaceen isaga iyo hawlwadeenada kale ee u xil saraan hawsha tirinta codadka ee isugu jira saddexda xisbi iyo Komishankuba.

Cismaan Hindi isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi; “Eedahaasi waa waxba kama jiraan. Mana jiraan wax is dhaafdhaafin ah oo la sameeyay, mana aha arrin dhici karta. Ilaa haddana waxa lagu jiraa hubintii codadkii goobaha lagu soo tiriyay, mana jirto wax natiijo ah oo ilaa hadda soo baxday. Hawshuna waxay ka socotaa Hoolkaa wayn oo ay goob joog ka wada yihiin wakiilada saddexda xisbi iyo xubnaha komishanku. Taas oo ay indhaha ku wada hayaan dhammaantood, sidaa darteed ma suurto geli karto in codad qof leeyahay qof kale la siiyo oo lagaga kor mariyo. Laakiin khaladaad dhici karaa way jiraan oo la sixi karo.”

Mr. Cismaan Hindi oo ka jawaabayay khaladaadka laga helay sanduuqa No: 232 ee lagaga codaynayay tuulada Abu-riin oo laga helay coddadka laba musharax oo lays waydaariyay waxa uu yidhi; “khaladaadkaa si weydaarka ahi way dhaceen, waxaanay ku dhacday muraaqibiintu markay noo yimaadaan waxay wataan Liis ay goobta ka soo qaataan liiskaa goobta waxa ku yaala in musharax Axmed Weyne leeyahay 232 cod Ismaaciil Mahdina leeyahay 27 cod. Waxaana dhacday in khalad farsamo uu dhacay. Oo markii la buuxbuuxinayay Liiska khaanada lagu qorayay codadka ay is weydaarteen codadka labada musharax ee Ismaaciil Mahdi iyo Axmed Weyne oo ay isku xigaan lambarada magacyadoodu, xaashida liiska musharixiinta taasina waxay keentay inay is weydaartaan tirintii codadkoodu kadibna si loo hubiyo tirada codadka labada musharax waxa dib loogu noqday iyada oo loo dhanyahay oo la furay sanduuqii waxaana la ogaaday in tirada coddadka badan uu lahaa Axmed Weyne waana la isla saxay oo labadii musharax mid walba tiradii uu xaga u lahaa ayaa loo qoray. Arrintaasina ma noqon karto mid lagu eedeeyo cid gaar ah oo ku talagal loo sameeyay balse waxa ay ahayd khalad farsamo oo dib loo saxay.”

Musharixiinta ka cabanayay Mr. Cismaan Hindi waxay eedayntooda sal uga dhigeen in uu musharixiin isla xisbiga kulmiye ka tirsan oo xigta dhaw oo isku Beela ay yihiin uu doonayo inuu sad bursiimo ku siiyo codad aanay lahayn si uu kor ugu soo qaado tirada codadka ay haysaat.

Mr. Cismaan Hindi, si weyn ayuu ganafka ugu dhutay eedamahaas, isaga oo arrintaa iska difaacayana waxa uu yidhi; “waxa ugu weyn ee laygu eedaynayaa waxa weeye qabiil ayuu u dhuranayaa, waxaad moodaa in anigana laygu tirinayo qabiili. Cabashada ugu weynina reer hebelka la ii tirinayo ayay ka soctaa, oo iyagaaba I eedaynaya. Raga lay leeyahay ilmaadeerbaad tihiin oo codkayagii ayaad siisay, iyaga ayaa iigu daran oo I haysta oo shalay intay iigu yimaadeen Komishanka aanu is dilaynay. Markaa waxaad mooda inaan Somaliland oo dhan bar tilmaadeed u noqday. Balse aniga wuxuu Ilaahay igu ogyahay inaan daacadnimo ugu shaqaynayo oo aan dhex u ahay dhammaantood. Damiirkayguna I siin maayo inaan u kala eexdo musharixiinta KULMIYE oo aan ogahay dhammaantood inay dhibaato adag soo galeen ololaha iyo hawshii doorashadu ay socotay oo xanuun badani ku dhacay dhibaato badana ay soo muteen.”

Gabogabo

Xisbiga kulmiye oo shalay qoraal u gudbiyay Komishanka doorashooyinka Qaranka ayaa waxa uu ka codsaday Komishanka inaanay ku dhawaaqin natiijada codbixinta doorashada ee gobolka Hargaysa inta ay ka xalinayaan muranka ka dhex aloosan musharixiinta xisbiga KULMIYE oo qaarkood ka cabanayaan khaladaad badan oo ay sheegeen inuu ka jiro tirada codadka ay ka heleen doorashada, waxaanay masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ka codsdeen Komishanka Doorashooyinka in ilaa khamiista berito ay dib ugu dhigaan ku dhawaaqida natiijada doorashada.

Cabashada musharixiintu kuma koobna xisbiga KULMIYE oo kaliya balse, labada xisbi ee kale – UDUB iyo UCID ayaa qaar ka mida musharixiintooda gobolka hargaysa waxa ay sheeganayaan cabashooyin la mida kuwa ay sheeganayaan musharixiinta xisbiga KULMIYE. Mushkiladahan murugsan oo aan ilaa hadda muuqan taalaabo degdeg ah oo komishanka doorashooyinku ku xalinayaa ayaa waxay dib u dhigeen ku dhawaaqida natiijada codbixinta doorashada oo si weyn dib ugu dhacday.



Jamhuuriya Online

« Prev item - Next Item »
---------------------------------------------

Comments


No comments yet. You can be the first!



Leave comment


This item is closed, it's not possible to add new comments to it or to vote on it