Opinions











Google
 
Web Somaliland

Radio Hargeisa Halkan ka Dhagayso


Guddi Wasaarada Maaliyada ah oo Natiijo ka Gaadhay Fadeexadii Xafiiska Cashuuraha Berriga Burco

04 Apr, 2006 - BURCO - Guddi ka tirsan wasaarada Maaliyada xukuumada Sland ayaa maanta markii u horaysay natiijo ka soo saaray fadeexad musuq maasuq oo Bilihii ugu danbeeyey hafisay xafiiska cashuuraha Beriga Burco, ka dib markay mudo todobaada baadhis culus ku wadeen madaxda xafiiskaas.

Gudidan wasaarada maaliyada oo ka kooban sadex xubnood oo baadhisa oo kala ah Daa’’uud Nuur Lo’doon, Ciise maxamed X.aadan iyo Mustafe Ciise Nuur oo aanay wehelin hanti djowrka qaranku waxay qoraal ay maanta u qaybiyeen masuuliyiinta maamulka gobolku ay ku cadeeyeen in xafiiska cashuuraha Beriga Burco ay ku tagan tahay oo y ku maqan tahay lacag dhan 14,301,457, taasi o ka badan lacagtii ay xisaabiyaha Gobolka iyo madaxda xafiiska cashuuruhu sheegeen inay ka maqan tahay khasnada dawlada.

Ubucda Gudiga
Gudidani wxay waxa qoraalkooda ku cadeeyeen inay lacagtaasi maqan oo isugu jirta lacag ku go,day sadex buug cashuureed oo kala danbeeyey ay ku cadaatay inayn ku maqan tahay khasnajiga cashuuraha beriga (Kaltuun Cabdi Faarax), taasi oo ay soo jeediyeen in sharciga la mariyo.

Eeda Khasnajiga
Xafiiska cashuuraha bariga Burco ayaa todobaad ka hor daboolka ka qaaday inay xaruntooda ku huursanayd fadeexad ku saabsan lunsi hanti qaran taasi oo ay isku riix riixeen cidda ay ku maqan tahay, laakiin maalomo ka dib ayey qoraal uu soosaaray maamulaha xafiiska cashuuru waxa uu xabsiga dhigay gabadhan khasnajiga ah oo ilaa haatan ku xidhan xabsiga dhexe ee Burco taasi oo ay ku eedeeyeen inay ku maqan tahay lacag ka yar lacagta ay soo saareen gudida baadhistu ,lacagtaasi oo ay ku sababeeyeen inay ku lunsatay qaab fool xun iyo qarin buugaag cashuureed.


Maamulahan cashuuruhu waxa uu sheegay inay ku maqan tahay khasnajigan lacag dhan 18,436,130 SL/Shinin balse lagu soo celiyey khasnada dawlada lacag dhan 5,649,100 SL/Shilin iyadoo hadda ay ku maqan tahay hanti dhan 14,055,066 SL/Shilin iyo buugaag lacag qabasho.

Fadeexadan ku wajahan arintani waxay salka ku haysaa musuqmaasuq xoogan oo wakhtiyadan danbe warar xog’ogaal ahi ay farta ku fiiqayeen inay ku huursanyhiin xafiiska cashuuraha bariga Burco iyadoo wararkani xaqiijinayaan inay masuuliyiinta xafiisyadani ula dhaqmijireen dakhliga dawlada sifo aan haboonayn.

Khasnajiga
Khasnajigan la xidhay Kaltuun Cabdi Faarax oo intii aan la xidhin wariyahayagu debeda kula kulmay dhawr rmaalmood ka hor mar damiin lagu sii daayey ayaa waxay isku difaacday inaanay iyadu ahayn khasnaji sharci ah oo wasaarada maaliyadu magacowday ayna ahayd adeegihii xafiiska maamulaha joogay oo la shirqoolay.

Mr. Kaltuun waxa kale oo ay intaasi ku dartay inaanay jirin hanti umadeed oo ku maqani balse hantida maqani ay ku maqan tahay maamulaha “Furaha khasnada isagaa ii dhiibtay oo wuxuu doonana kala bixijiray, anigana dabin ayaa la ii dhigay”.

Khasnajigani waxa kale oo daboolka ka qaaday musuqmaasuq iyo wax is dhaafdhaafin ay sheegtay inay ku macaamilijireen madaxda xafiidku taasi oo ay xustay inay hantidan iyo mid kaleba dawlada laga lunsaday iyadoo arintaas sii faahfaahinaysana waxay tidhi “anigu 20 bishii hore ayaan furaha la wareegay dakhligana siyaabo badan ayuu xafiisku ku lunsan jiray, waligayo jiwanada lacagta dusha ayaannu ka jarijiray, Copy-gana wax gaar ah ayaannu ku qorijiray shidaalka ay wakaalada biyuhu isticmaasho oo bishii 5 milyan ilaa 5200 SL/Shilin ah waligayo dakhliga maannu gelin waxaannu gelinjiray Copy-ga hadhaya woxoogaa aannu ku xusnaa kalaawi ama jidiidin liisan. (Deduction) ama lacagta laga jaro shaqaalaha D/hoose waligayo rasiid maannu wada gelin oo dawlada uma xeroon ee waxyar ayaannu Copyga gelinjiray markaa waxayagu qubaa qas ayuu ahaa, markii waxan la ogaadayna khasnajigii sharciga ahaa ayuu maamuluhu ka bedelay oo igu yidhi khasnaji ayaa laguu magacaabay aniguna adeege ayaan ahaa, sharciyana ma magacaabikaro isagu waxaana cadayn u ah waxaan sheegayo warqada laygu dacweeyey waxa uu ku soo qoray maamuluhu 5,649,100 SL/Shilin in layga hayo balse ma aha ee 3,649,100 SL/Shilin ayaa layga hayaa, sharcina inta buug igu maqan yahay in mid kale laysiiyaa maaha aniguna hanti uguma maqna ee hab dhaqankaygii ayey ku luntay lacagtu ayey ku soo xidhay hadalka.

Difaaca madaxda cashuuraha
Maamulaha Cashuuraha Beriga Burco oo go’aankan gudiga maaliayada weriyayagu wax ka weydiiyey musuq maasuqa khasnajigiisu sheegay ayaa waxa uu sheegay inaanay jirin wax xidhiidha oo ka dhexeeyey isaga iyo khasnajiga oo aan ahayn siday sheegtay mid ku meel gaadha balse ah khasnaji sharciya, maamulahani isaga oo ka hadlayye buugaagta cashuuraha ee isaga dabatagtay khanajiga maadaama sharci ahaan aan iyada oo buug maqan yahay buuq Karin la bixin Karin waa uu yidhi”arintaasi xisaabaiyaha gobolka ayey u taalaa”

Xisaabiyaha
Xisaabiayaha Gobolka togdheer Maxamuud Xasan Cali ayaa iasguna isaga riixay arintan in wixii eedeeda ka soo baxa ay lee yihiin cashuuraha berigu,bale isagu uu u maray buugaag bixinta sifihii sharciga ahaa.

Xogaha kale
Sarkaal ka tirasan laanta nabadgelyada wadooyinka oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa isaguna cadeeyey inay baabuurta aan cashuurayn ee loo sameeyey bilaydhka iyo buugaagta qaarkood hada ku xidhan yihiin xarunta cashuuraha Beer, kuwaasi oo kala ah (Mark II No SL 22140, Mark II 15235 Arimaha oo sida xusay sarkaalkani ay inta badan ku lug leeyihiin wasaarada gaadiidku.

Gaadiidka
Isuduwaha wasaarada gadiidka iyo hawalaha guud Iid Cabdi faarax ayaa isaguna dhinaciisa isaga leexiyey inaanay wasaarada hawlaha guud ku shaqo lahayn arintan, balse laanta nabadgelyada wadooyinku ay masuuliyada leeyihiin
.
Gunaanadka sheekada
Fadeexadan ku wajahan arintani waxay salka ku haysaa musuqmaasuq xoogan oo wakhtiyadan danbe warar xog’ogaal ahi ay farta ku fiiqayeen inay ku huursanyhiin xafiiska cashuuraha bariga Burco iyadoo wararkani xaqiijinayaan inay masuuliyiinta xafiisyadani ula dhaqmijireen dakhliga dawlada sifo aan haboonayn.




Reported By, Yuusuf Ibraahim Warsame ,
(Ilkacase) ,Burco




Shirakada Dahabshiil oo 80 booyadood oo biyo ah ugu deeqday Deegaanada Gobolka Togdheer


Shirkada Ganacsiga ee Dahabshiil ayaa maanta ugu deeqday 80 tuulo oo ka tirsan deegaaanada gobolka togdheer deeq biyo ah oo ay kaga ayb qaadanayso xaalada gurmadka abaaraha

Deeqdan Biyaha oo ka kooban 80 booyadood oo ay shirkadu ugu deeqday deegaanada ay ka taagan tahay boyo yaraantu waxa isala maanta ay shirkadu ku wareejiay gudi madax banaan oo loo qorsheeyey sidii ay u gaadhsiin lahaayeen biyaha mee laha loogu talo galay.


Wakiilka shirkada Dahabshiil ee magaalada Burco Nuux Siciid Ducaale oo maanta saxaafada uga waramayey barnaamijkan gurmadka abaaraha ayaa waxa uu sheegay inay shirkadiisu mashruucan oo ay ku baxdau $9600 ay ugu talo gashay in loogu gargaaro cabitaanka dadka ay biyuhu ku dabao yar yihiin.

Mr Nuux Waxa kal oo intaasi ku ladhay in deeqdan ay la socod siiyeen madaxda maamulka gobolka togdheer, isla markaana ugu danbayn maanta 03/04/06 in ay wada gaadhaan biyahan tuulooyinka.


Dhinaca kalena hawsahan gurmadka Abaaruhu waxay ku soo beegan tay xili ay roobabka guga la filayo , iyadoo todobaadkan gudahiisa ay madaxda maamulak gobolka togdheer iayaduna gaadhsiiyeen deegaamo ka mida meelaha biyo yaraantu ka jirto 12000 oo Litir oo shidaala oo ay xukuumada Sland kaga qayb qadanayso barnaamijyada biyo dhaamiska.



Reported By, Yuusuf Ibraahim Warsame ,
(Ilkacase) ,Burco



« Prev item - Next Item »
---------------------------------------------

Comments


No comments yet. You can be the first!



Leave comment


This item is closed, it's not possible to add new comments to it or to vote on it