Opinions











Google
 
Web Somaliland

Radio Hargeisa Halkan ka Dhagayso


Ciidanka C.I.D oo xabisga u Taxaabay Xasan Waraaba-Cadde ka dib markii Wasiirka Ciyaaruhu ku Eedeeyay inu lug ku leeyahay Xidhiidhada Somalia.

10 Apr, 2006 - HARGEISA - Ciidanka Badhista Dambiyada ee CIDda ayaa xalay xabsiga u taxaabay Xasan Maxamed Waraabacade, oo ka mid aha qurba jooga Reer Somaliland ee ku hawlan Arrimaha Sportiga Somaliland

Xadhiga Xasan Warabaacade oo ka dambeeyay ka dib markii Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamuud Siciid Maxamed, uu ku eedeeyay in uu wakiil uga yahay Somaliland xidhiidhka ciyaaraha ee Dalkii la isku odhan jiray Somaliya, isla markaana Qalab Sporti oo uu ka soo xidhidhiidhadaas u qaybiyo qaar ka mid ah kooxaha iyo dadweynaha Somaliland, isaga oo muujinaya in ay Somaliland qayb ka tahay Somaliya, waxana wasiirka Ciyaaruhu qoraal uu 4/4/2006 u qoray talliyaha Bilayska Somaliland, kaga codsaday in baadhis arrintaasi loogu xil saaro CID-da, isla markaana talaabo Sharciga wafaqsan laga qaado, isaga oo wasiirku ku war-geliyay in uu Xasan Waraabacado ku tallo jiro in uu dalka dibada uga baxo.

Maalintii Khamiistii 4/4/2006dii ayaa laga soo qabtay Madaarka Hargeysa, isaga oo markaas dalka Dibada uga dhoofaya, waxana lagala wareegay Baasaboorkii, waxana dacwad ka dhan ah loogu furay Maxkamadda Gobolka Hargeysa, in kasta oo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare C/raxmaan Jaamac Hayaan uu ka soo saaray dacwadaas qoraal, Maalintii shalay oo ahaa in Xasan Waraabacade ay maxkamaddu ka qaado xayiraadii, Baasaborkiisii iyo xoriyadiisiina loo soo celiyo.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu ayaa wuxu sheegay oo u yidhi waxan u hayaa dhukumentiyo cadaynaya in Xasan Waraabacade uu wakiil u yahay xidhiidhka ciyaaraha Somaliya, cadaymahaasi iyo tafaasiishaas ayay Wasaaradda Ciyaaruhu u soo bandhigi doonaan, Sidaas ayuu wasiirku yidhi.

Waxa kale oo Wasiirku ku eedeeyay Xasan Waraabacade in uu fidmo kula dhex jiro Bahweynta Ciyaaraha Somaliland, isaga oo sheegay in deeqo Qalabka Ciyaaraha oo kuu soo qaaday magaca Somaliland, u qaybiyaa kooxaha iyo dhallinyarada ciyaaraha Somaliland qaarkood, isla markaana isku sawiro warbaahinta isaga oo dhaliil uga dhiganaya in deeqdii loogu soo dhiibay uu soo gaadhsiiyay, markaana uu caalamka tusayo in aynaan ka madax banaanayn xidhiidhka Ciyaaraha Somaliya oo wakiilkoodu maalin kasta ka soo baxo War-baahinta.

Maaha markii ugu horeysay ee ay isku dhacaan Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Maxamuud Siciid Maxamed & Xasan Waraabacade, waxana hore ay isaga hor yimaadeen Sharciyada ururka Magaciisa la yidhaahdo (Ururka Dhallinyarada & Ciyaaraha ee Qurba jooga Somaliland) oo xaruntiisu tahay Britain, kaas oo uu Xasan Waraabacade laan ka mid ah ka diiwaan geliyay Wasaaradda Qorshaynta Somaliland.

Wariye, Mustafe-janaale
Reporter Hargeysa/Somaliland
E-mail, janaale94@yahoo.com




« Prev item - Next Item »
---------------------------------------------

Comments


No comments yet. You can be the first!



Leave comment


This item is closed, it's not possible to add new comments to it or to vote on it