Opinions











Google
 
Web Somaliland

Burco Ha Loo Gurmado!!!!!

19 Oct, 2006 -
calan
Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxa ku habsadey roobab dhaliyay dhibaatooyin faro badan oo hadii xukuumadu wax ka qabashadooda ku guuleysato qeyb ka noqon karta muujinta in xukuumadu aaney iska iloobin Burco.

Magaalada Burco waxa ay iminka hoy u tahay eedeymo si qalad ah loola beegsanayo oo ku xiriirinaya qaar ka tirsan mujtameceeda ay xiriir dhaw la leeyihiin wadaadada Muqdisho, hadaba wadaadadu meel walba oo ay joogaan xiriir bey leeyihiin, taase micnaheedu ma aha in xiriirkaa gebi la canbaareeyo ee waa mid u baahan in uu ku saleysnaado caafimaad iyo Islaamnimo.

qasaarahan baaxada leh ee iminka ku habsadey magaalo madaxda labaad ee Somaliland waxa loo baahan yahay in xukuumad iyo shacaba la iska kaahto si magaalooyinkeenu aaney u noqon meel laga qoro uun shaqaale dowladeed ee la helaa wax tarka looga fadhiyo hanaanka dawladnimo ee Burco weligeedba hormuudka ka eheyd.

waa ayaan daro in maanta hal ruuxna allaha ka dhigee in ruux reer Somaliland ahi kiyoo ku sugan gudaha uu maciin moodo ama qalbigiisu raaco meel aan arxan badan looga heyn Somaliland. taana waxa ay ku xiran tahay sida kuwa ummadu u igmatey wax u qabadkooda ay masuuliyada ay ummada u hayaan uga soo bixi lahaayeen.


ina xuseen dheere
RadioSomaliland

« Prev item - Next Item »
---------------------------------------------

Comments


No comments yet. You can be the first!



Leave comment


This item is closed, it's not possible to add new comments to it or to vote on it