Opinions

Google
 
Web Somaliland

Muj.Xasan Ciise oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Somaliland

23 Jan, 2008 - Muj.Xasan Ciise oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Somaliland

Guddoomiyaha ururka SNM mujaahid Xasan Ciise Jaamac, ayaa ku eedeeyay masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Somaliland in ay ku fashilmeen hawshii ay ummadda uga masuulka ahaayeen, maadaama aanay ka war hayn waxa ku qoran manaahijta waxbarashada dugsiyada dalka lagu dhigo, taas oo uu ku tilmaamay dembi culus oo aanay ka gilgilan karin.

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo daba joogay fadeexad ka dhalatay kadib markii manhajka waxbarashada fasallada 8aad ee dugsiyada dalka laga tirtiray cutubyadii ka hadlayay taariikhda halgankii SNM iyo dhismihii qarannimada Somaliland oo uu wargeyska Jamhuuriya daaha ka rogay cadadkiisii Isniintii shalay, isla markaana masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada sheegeen in aanay haba yaraatee wax war ah ka hayn arrintaas, waxaannu Guddoomiyaha SNM ku tilmaamay dhacdadaas dambi qaran oo aanay masuuliyadeeda sinaba uga gilgilan karin madaxda wasaaradda waxbarashadu.

“Arrintaa dambiga ugu yar ee ay wasaaraddu ku yeelan kartaa waa in ay il-duuf ahaan uga tageen cutubyada ka hadlayey taariikhda SNM, dembiga ugu weynina waa inay u kas uga tageen, iyada oo ay labadu yihiin dambi culus oo masuuliyadeeda aanay madaxda wasaaraddu sinaba uga gilgilan karin, dambigeedana waxa iska leh wasaaradda tacliinta Somaliland,” ayuu yidhi Muj. Xasan Ciise Jaamac oo Jamhuuriya khadka telefoonka ugu warramayay xalay.

Isaga oo guddoomiyuhu sharaxayay tallaabada arrintan kaga aaddan ee ay qaadi doonaan waxa uu yidhi; “Haddii ay caddaato in wasaaraddu ula-kas uga saartay manhajka waxbarashada taariikhda halgankii SNM, waxaad ku kalsoonaataa in aannu arrintaa dabageli doono ilaa inta aannu ka gaadhayno kama dambyasta, sidaana kaga hadhi mayno waanuna ku tuntuusan doonaa, waxayna arrintani bar madow oo aan hadhin ku noqon doontaa masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada.”

Waxaannu intaa ku daray Muj. Xasan Ciise Jaamac in taariikhdii SNM aanay ahayn mid si dhibyar u tirtirmaysa oo ay ku tallaalan tahay dhiigga ummadda Somaliland, ciddii isku dayda in ay tirtirana ay cawaaqib-xumo ku reebi doonto iyaga taariikhdooda. “Taariikhda halgankii SNM maaha mid la tirtiri karo, waxayna ku tallaalan tahay dhiigga ummadda reer Somaliland, lamana baa’in karo habayaraatee, laakiin way jiraan dad xaasidi kara taariikhda SNM iyaga oo ka xun halgankii ummadda, kuwaasna taariikhdooda ayaa madoobaan doonta.” ayuu hadalkiisa ku soo gebogebeeyey Muj. Xasan Ciise Jaamac.

Manhajka cusub ee waxbarashada Somaliland ee fasallada siddeedaad ayaa laga saaray dhammaanba cutubyadii ka hadlayey aasaaskii ururka xoreynta SNM, halgankii qadhaadhaa ee loo soo maray xorriyadda aynu hadhsanayno iyo ku dhawaaqistii madaxbannaanida Somaliland.

Buuggan cusub ee lagu beddelay buuggii hore ee taariikhda fasallada 8aad oo la soo daabacay sannadkii 2005-ta, isla markaaa ardayda loo qaybiyey sannad-dugsiyeedkii 2007-2008 ee iminka lagu gudo jiro, waxa daabacaaaddiisa iska kaashaday Wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo Hay’adda Waxbarashada Dhaqanka iyo Sayniska ee UNESCO, waxaana ku saxeexan Wasiirka Waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale, waxa arrintani si weyn uga cadhaysiisay siyaasiyiin, mujaahidiin iyo saraakiil ka tirsan ururkii SNM iyo weliba dad kale oo tiro badan, kuwaas oo ku tilmaamay dembi qaran oo laga galay taariikhdii ummadda.somaliland news


« Prev item - Next Item »
---------------------------------------------

Comments


No comments yet. You can be the first!



Leave comment


This item is closed, it's not possible to add new comments to it or to vote on it