Opinions











Google
 
Web Somaliland

Berbera: 11 Qof Oo Xabsiga Magaalada Berbera Loo Taxaabay Iyo Cadhadii Dadweynaha.

16 Feb, 2008 - Sida ay tibaxayaan wararka la isla dhex mareyey tan iyo wixii ka danbeeyey maalintii ay soo shaac baxday in

Berbera:- 11 qof oo ka mid ahaa dadweynaha ku dhaqan Magaalada Berbera ayaa xabsiga loo taxaabay, kuwaas oo la sheegay inay wadeen abaabul mudaharaad oo ay kaga soo horjeedaan in biyaha Magaalada Berbera lagu wareejiyo Shirkado gaar loo leeyahay [Private Sector].

Sida waxa Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com u xaqiijiyey Weriye Cabsisalaan Xariir oo aanu Caawa khadka Mobile-ka gacanta kula xidhiidhnay, isaga oo jooga Magaalada Berbera.

Dadkan lagu eedeeyey inay abaabulayeen mudaharaad lagu waday inuu ka dhaco Magaalada Berbera maalintii doraad ee Arbacadii oo lagu diidanaa in biyaha Magaalada Berbera lagu wareejiyo Private Sector,isla markaana waxay boolisku raadinayaan laba nin oo kale oo iyaga lagu eedeynayey inay arrintan ka danbeeyeen.

Kow iyo toban qof ee la xidhay oo lix ka mid ahi ay yihiin haween waxa loogudbiyey Xabsiga Magaalada Berbera, iyada oo ay xadhigooda amartay gudida nabad gelyadu.

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamed Cabdilaahi Maxamed waxa uu sheegay in dadkaasi dhakhso loo xukumidoono wixii uu danbi ku cadaado, isla markaana ay kiiskooda qaadi doonto gudida nabadgelyadu ayuu yidhi.

Guddoomiyuhu waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in biyaha Magaalada Private Sector laga dhigayo, balse waxay ahayd ayuu yidhi Shirkad la soo jeediyey oo la doonayey in la isla eego in tobanka sanadood ee socota haddii la isla qaato.

Sida ay tibaxayaan wararka la isla dhex mareyey tan iyo wixii ka danbeeyey maalintii ay soo shaac baxday in Biyaha Magaalada biyaha laga dhigayo Private Sector, ayaa dadweynaha ku dhaqan berbera ay ka cadhoodeen.

Waxaana la sheegay inay arrintaasi dabada ka wadaan hay’ada UNICEF, dad hore Madax uga soo noqday Wakaalda Berbera

Dhinaca kale, guud ahaan dadweynaha ku dhaqan Magaalada Berbera ayaa ku baaqay in si degdega loo soo daayo dadka la xidhxidhay.
Source Berbera news

« Prev item - Next Item »
---------------------------------------------

Comments


No comments yet. You can be the first!



Leave comment


This item is closed, it's not possible to add new comments to it or to vote on it