Somaliland News
Hargeysa - Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cabdiraxmaan Cirro] ayaa maanta si rasmiya shaaca uga qaaday inuu fara madhan ka taagan yahay hawshii dhex-dhexaadinta ahayd ee uu ka dhex waday Xukuummada Madaxweyne Rayaale iyo Axsaabta Mucaaridka [KULMIYE iyo UCID] mudada afarta todobaad ah, isla markaana uu faraha ka qaaday hawshiisi. Oo cidii kale ee Gar ka galaysa ay u madax banaan tahay. Isaga oo ku sababeeyey joojinta dhexdhexaadinta inuu Madaxweyne Rayaale ka diiday inay si toos ah wada hadal isugu soo horfadhiistaan Madaxweynaha Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin iyo labada Gudoomiye Xisbi Mucaarid KULMIYE iyo UCID Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] iyo Faysal Cali Waraabe, si loo soo af jaro khilaafka ka dhashay muddo kordhinta halka sanadood ah ee ay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay Golaha Guurtidu ay ugu kordhiyeen.
Sida waxa uu Gudoomiyuhu ka sheegay qoraal dheer oo uu ka jeediyey fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada Somaliland ay ku yeesheen Xarunta Golahaasi.
”Anniga oo jecel inaan soo af jaro khilaafkan, soona gunaanado dhexdhexaadintii aan waday, waxaan la kulmay shalay, Axad, 11.5.2008, Md Dahir Rayaale Kahin, Madaxweynaha JSL oo aan u soo bandhigay inay anniga iigu muuqato in sida keliya ee khilaafkan lagu soo afjari karaa heshiiskan la isuguna waafiqi karaa tahay inay Madaxweynaha iyo labada Gudoomiye ee labada Xisbi Md Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Md Faysal Cali waraabe si toos u kulmaan kana wada hadlaan sidii heshiis looga gaadhi lahaa , loona soo afjari lahaa khilaafka siyaasiga ah iyo kan dastuuriga ah ee ka jira Somaliland.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.
Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu Cadeeyey Inay isa soo hor-fadhiistaan ay ogolaadeen labada Gudoomiye Xisbiga Mucaarid, balse uu diiday Madaxweyne Rayaale, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Labada Gudoomiye ee KULMIYE iyo UCID waxay ii cadeeyeen inay diyaar u yihiin inay si toos ah ula kulmaan Madaxweynaha JSL oo aysan wax shuruud ku xidhayn kulankaas. Madaxweynuhu soo jeedintaas igama aqbalin, waxaannu ii cadeeyey inaanu la kulmayn labada Gudoomiye.”
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi ”Sidaa darted, anniga oo ixtiraamaya mowqifka xukuumadda iyo ka Axaabtaba, waxaan go’aansaday maanta oo taariikhdu tahay isniin, 12.5.2008 inaan joojiyo dhexdhexaadintii aan ka dhex waday xukuumadda iyo labada Xisbi qaran kaalintaasna u baneeyo cid kasta oo u diyaar ah inay sii wado, haddii ay tahay Academy-ga, salaadiinta, culimada, aqoon yahanada, iyo cidii kale ee tuhunsan inay hawshan sidii wadi karto, CALAADANA meesha ka saari karto.”
Gudoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu ku sheegay qoraalkiisa dheer ee uu Golaha ka horjeediyey inay dhibaatadu tahay Xukuummada oo rabta inay marka hore Xisbiyada Mucaaridku [KULMIYE iyo UCID] ay aqoonsadaan muddo kordhinta halka sanadood ah ee ay Golaha Guurtidu u kordhiyeen xilka mudada madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, marka ay dhamaato mudadoodi shanta sanadood ahayd ee hore loogu soo doortay 15 bishan May. In muddo kordhintaasi sharci tahay horena sharci u ahayd.
Sidoo kale gudoomiye Cirro waxa uu ku dooday inay labada Xisbi Mucaarid [KULMIYE iyo UCID] inay dhinacooda aaminsan yihiin in muddo kordhinta halka sanadood ah ee xilka mudada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisu aanay sharci ahayn, maadaama duruufo nabadgelyo daro aanay ka jirin Somaliland, taasi oo ah waxa kaliya ee muddo kordhin loogu sameyn karo.
Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada Somaliland u jeediyey in muddadii afarta todobaad ahayd oo uu sheegay inuu isaga dab-qaadayey Xukuummada iyo labada Xisbi mucaarid ah, isaga oo cadeeyey in qodobo 8 ah oo uu soo dhex dhigay labada dhinac si gooni gooni ah inay qodobadaa badidooda lagu heshiiyey, laakin ay Xukuummadu ku adkeysatay inay Mucaaridku marka hore qiraan inay Golaha Guurtidu yihiin Gole Dastuuri ah go’aamada ka soo baxaana ay sharci yihiin.
Wuxuu sheegay Cirro inay deeq bixiyayaasha Caalamiga ee maalgelinayey diwaangelinta cod bixiyayaasha Somaliland ay isaga u soo sheegeen inay joojiyeen lacag 8 Malyuun ah oo Dolar ah oo ay ugu tala galeen diwaangelinta cod bixiyayasha ee la filayey in la qabto doorashooyinka ka hor.
Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro] waxa ku dardaarmay oo uu yidhi “Yuu xaalku inaga noqon haddii aan wax kasta laga heshiin, heshiis ma dhicin [If every thing is not agrea, there is no agreement]. Waxaan ugu baaqayaa xukuumadda iyo labada Xisbi mucaarad inay u diyaar noqdaan inayna wada heli Karin waxa ay doonayaan dhamaantood , hase yeshee , ay danta shacbiga iyo danta guud uga tagaan arrimo ay gar , xaq iyo sharci u leeyihiin. Ilaahay xaqa iyo dawga ha ina garansiiyo arrimahan ha inoo fududeeyo, Somaliland ha guuleysato.”
Si kastaba ha ahaatee labada Xisbi Mucaarid ee KULMIYE iyo UCID Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] iyo Faysal Cali Waraabe ayaa waxay hore u sheegeen inaanay aqoon sanayn Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Kuxigeenkiisa Md. Axmed Yuusuf Yaasin 15 Bisha May oo ku beegan maalinta Khamiista ee soo socoata oo ay ku eegtahay mudada shanta sanadood ahayd ee hore loogu soo doortay.
Hargeysa - Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf [Cali Gurey] oo ka mid ah Masuuliyiinta sar sare ee Xisbiga Mucaarid ah ee KULMIYE, isla markaana ka mid ahaa Mujaahidiintii SNM ee xoreeyey dalka tan ayaa shaaca ka qaaday inaanay Somaliland waxba ka dhacayn 15 Bishan May, oo ah xiliga ay kaga eegtahay shantii sano ee Madaxweyne Rayaale loo doortay ee sanadkii 2003Sida waxa uu mujaahidku ku sheegay Shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtay Hutel Impriel ee Magaalada Hargeysa. Kaas oo uu kaga hadlay arrimo doora oo ay ka mid yihiin waxa keenay dib udhaca doorashooyinka iyo waxa uu ku talin lahaa.
Waxa uu shirkiisa jaraa’id ugu baaqay Shacbiga reer Somaliland inaanay waxba ka werwerin maalintaas xilka mudada maweynuhu loo doortay ay dhamaato oo wax dhacaya haba yaraatee aanay jirin.
“Xaalada Siyaasada Somaliland sida ay maanta tahay shaki kuma jiro in la odhan karo waa mid Cakiran, waxa jira welwel-weyn oo ay dadweynuhu ka qabaan Xaaladaasi saameynta ay ku yeelan karto nabadgelyada” ayuu yidhi Muj. Cali Maxamed Yuusuf [Cali Gurey].
Mujaahid Cali Gurey mar uu ka hadlayey Xaalada Siyaasadeed ee cakiran ee wakhtigan dalku marayo, waxa uu yidhi “Waynu ognahay waxa xaaladan Cakiran sababay waa muddo dhaafka doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada”.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Hasa ahaatee Somaliland waa nin tuur leh, nin tuur lihina sida uu u seexdo isaga cid walba ka yaqaana”.
Muj. Cali Gurey waxa uu ku dooday in dhibaatooyinka noocan oo kale ahi aanay ahayn markii ugu horeysay ee ay Somaliland la soo dersaan, balse ay duruufo ka adag oo Siyaasadeed iyo nabadgelyo ay Somaliland soo martay oo laga soo baxay.
Mar uu ka hadlayay waxa lagaga bixi jiray Markay Xaaladu sidan ay wakhtigan tahay u murugto waxa uu yidhi “ Waxaynu mar walba kaga bixi jirnay Xaaladahaas ina soo maray oodhan waddo caan inoo ah oo ah Xal nabadeed.”
“Ma qabo inay duruufta maanta Somaliland inaga sal guurinayso wadadii aynu ku soo caana maalnay, ee xalka nabada” ayuu intaasi sii raaciyey Mujaahidku.
Mar uu Cali Gurey ka hadlayey werwer badan oo ay dadku ka qabaan inay dhibaato dhacdo marka la gaadho 15 May oo ah wakhtiga ay mudada xilka madaxweynaha Somaliland kaga eegtahay iyo khilaafaadka jira waxa uu yidhi “ Waxay dad badani is-weydiinayaan markay 15 May dhamaato maxaa dhici? Anigu waxaan qabaa ma jirto cid suurti yowmal-qiyaamaha afuufeysaa bisha 15-keeda, Daahir Rayaalena cid inta ay qori ula tagtana odhanaysaa ka soo bax Madaxtooyada. Waxa uu noqonayaa madaxweyne mudadiisii sharciga ahayd ay dhamaatay kursigiina ku fadhiya, waana dhibaatada inoo taala maareynteedu”
Cali Maxamed Yuusuf waxa uu hoosta ka xariiqay muddo dhaafka xiliga doorashooyinku inay arrimo badan oo kala duwan ay keeneen, isla markaana waxa uu sheegay in marka la isku soo wada uruuriyana waxaynu odhan karnaa xil gudasho la’aan ayaa u sabab ah in doorashooyinka xiligoodi ku qabsoomi waayaan.
Mujaahidku waxa uu rajo-wanaagsan ka muujiyey inuu jiro xal oo uu muuqdo, isla markaana lagu guda jiro waxaanan qabaa in lagu guuleysanayo haddii Ilaahay idmo haddii aynu ka heshiino in doorashooyinka la qabto.
“Xaajo murugsan sii murginteedu xal uma noqdo, xak waxa u noqda maareeynteeda” ayuu yidhi Muj Cali Gurey.
“Diwaan-gelinti waxa maanta soo baxay inay deeq bixiyayaashi u arkeen inay tahay carqabad ay inagu soo kordhiyeen, waayo aragnimo horena u maynaan lahayn inay inoo hirgaleysi iyo inaanay inoo hirgalayn iyo wakhiga ay inoogu hirgalayso daraasado hore oo la sameeyeyna may jirin.” Ayuu yidhi Cali Gurey.
“Hadii deeq -bixiyayaashu kala noqdaan inay bixiyaan kharashkii ku bixi lahaa diwaangelinta cod bixiyayaashana, waxaan isleeyahay waxa jadwalkii ka baxaya diwaangelinta oo lagu qiyaasayo inay afar bilood soconayso, hadii ay noqoto sidii aynu doorashooyinkii hore ku galnayna oo ay taa ka fursanweydana waa la isla soo dhadhaweynayaa in laga heshiin karo mudada ay qabsoomayaan labada doorashaba”
Muj. Cali Gurey waxa uu sheegay inuu taageerayo in nabadgelyada in la adkeeyo, isla markaana waxa uu intaa raaciyey waxase dhaliil ah oo aan la qaadan Karin haddii ay taasi ku biirto ama loo adeegsado xoogagii amniga qaranka oo lagu cabudhiyo mucaaridka, iyo dad gudanaya wax ay xaq u leeyihiin oo sharciya.
“Somaliland ummad ahaan inaan xadhig iyo xabad xal u noqon karin waa waayo aragnimo ay leedahay, waa cashar aad u qaaliya oo ku jooga qiime aad u sareeya, umadanina marka ay soo marto dhibaatada oo kale way ka gaashaamaataa.” Ayuu yidhi Cali Gurey.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Anigu waxaan u sheegayaa Shakhsiyaadka ku tartamaya xilalka madaxweynaha shacbiga Somaliland waa u diyaar inay codkooda idinku kala saaraan, laakin diyaar uma noqon karaan inay dhiig u daadiyaan tartankiina.”
Mujaahidku waxa uu ugu baaqay shacbiga reer Somaliland inaanay baqanin, isla markaana inaanay jirin wax nabadgelyo daro ah.
“Somaliland dimuqraadiyadeeda iyo Xornimadeeda boqol kun oo qof ayaa u dhintay, ma jiro ka haya iyo mid imandoona nin sanduuq iyo warqad lagu doortay oo ku dhici karaa inuu yidhaahdo shan farood iyo calaalal ayaan ku xukumayaa oo ka dagimaayo xilka, ka sidaa haweysta waa mid ku talagalay inay hooyadii ka goblanto oo ay shacbiguna iyagu sharciga gacanta ku qaataan” ayuu yidhi Cali Gurey.
Hargeysa - Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ee arrimaha doorashooyinka Somaliland ka taageera, ayaa war murtiyeed ay maanta ka soo saareen Xafiiskooda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya shaaca kaga qaaday inaanay maalgelinayn hawsha diwaangelinta codbixiyayaasha, oo lagu waday in dhawaan dalka laga fuliyo doorashooyinka ka horQoraalka deeq bixiyaasha Caalamiga ah waxay walaac kaga muujiyeen dib udhaca ku timi wakhtigii doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada loo mudeeyey, khilaafaadka Siyaasiga ah ee ku waajahan dhinaca doorashooyinka.
War murtiyeedkaas oo ay soo saareen gudida farsamo ee deeq bixiyayaasha Caalamiga ah oo fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa u qornaa sidan:-
“Gudida farsamo ee deeq-bixiyayaasha ee taageera habka dimuqraadiyada Somaliland oo kala ah, Norwey, Britain, Sweden, Denmark, United States Of America iyo Commision-ka midowga Yurub, waxay komiishanka doorashooyinka, Xisbiyada Siyaasada, dawlada iyo bulshada Somaliland la socod siinayaan qodobadan:
1. Deeq-bixiyayaashu waxay ka niyadjabeen dib u dhigista doorashooyinka, iyada oo aanay jirin wakhti la isku raacay oo loo mudeeyey in la qabto doorashooyinka Golayaasha Deegaanka, Madaxtooyada iyo diwaangelinta codbixiyayaasha.
2. Komiishanka doorashooyinka oo aanay xubnihii dhameystirnayn, isla markaana dheeli tirnayn.
3. Marka la eego Siyaasada, Farsamada iyo Sharciga deeq-bixiyayaasha uma suurtagalayso inay sidaas ku maalgeliyaan hawsha diwaangelinta codbixiyayaasha.
4. Deeq bixiyayaashu si kastaba ha ahaatee waxay diyaar u yihiin inay sii wadaan taageeradooda la xidhiidha hab nabadeedka iyo dimuqraadiyada Somaliland, laakin taasi waa haddii la helo – haddii ay dhameystirmaan xubnaha komiishanka doorashooyinku isla markaana ay noqdaan qaar hawlkarnimo iyo dhexdhexaadnimo ku guta hawshooda – haddii la helo heshiis lagu mudeeynayo doorashooyinka oo qoraal aanu kaga helno gudoomiyaha komiishanka iyo hogaamiyayaasha sadexda Xisbiga Siyaasadeed.”
Hargeysa - Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan inay Xaalada Siyaasadeed ee murugsan kulan ka yeeshaan Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo labada Xisbi Mucaarid ee KULMIYE iyo UCID, si loo soo afjaro khilaafaadka ka dhashay muddo kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyeen mudada xilka Madaxweynaha. Arrintan oo ay dhexdhexaadin kaga jiraan Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabadilaahi [Cirro] iyo Xubno kale.
Sida waxa lagu sheegay Warsaxafadeed uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], isaga oo dhameystiran waxa uu u dhignaa sidan:-
“Warka maanta ay qortay Jariidada Saxansaxo ee sheegaya in Akademiyadu qoraal soo gaadhsiisey hoggaanka Sare ee xisbiga KULMIYE. Qoraal rasmi ah ma jirin ee farriin af ah ayay keeneen.
KULMIYE wuu aqbalay, horena uu u caddeeyey in wixii khilaafaad siyaasi ah ee dalka ka jira, Madaxweynaha kala kulmo oo ay ka wadahadlaan, haddana waa u diyaar inuu la kulmo oo ay ka wadahadlaan khilaafaadka siyaasiga ah.
Hase yeeshee, arrinta Xisbiyada mucaaridka iyo Madaxweynaha waxa dhexdhexaadinayey oo muddo ku jirey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), labada xisbina arrintaa waa ka wada socdeen, talo-wadaagna way ka lahaayeen.
Haddaba, Akademiyadu shalay ayay goonni ahaan ugala soo xidhiidhay arrintaa xisbiga KULMIYE. KULMIYE wuxuu ka codsaday Akadeemiyada in fursad la siiyo, lana xoojiyo dhexdhexaadinta uu ku jiro Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
KULMIYE, mar walba wuxuu xoojinayaa nabadda, wuxuu aamisan yahay in khilaafaadka siyaasiga ah wadahadal lagu dhammeeyo,”
Arrintan ayaa ku soo beegan iyada oo sharciga reer Somaliland Gudo iyo dibadba welwel badan ka qabaan sida ay xaalada dalku ku danbeyndoonto, marka la gaadho 15 May oo ay kaga eeg tahay wakhtigada mudada xilka madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin.
Borama- Wafti uu hogaaminayo Axmed Cabdi Xaabsade oo kasoo jeeda beesha Dhulbahantee ee Gobolka Sool ayaa kusugan magaalada Borama ee Gobolka Awdal. Waftiga ayaa soo dhaweyn balaadhan loogu sameeyey hoolka Jaamacada Camuud halkaas oo ay kula kulmayn waxgaradka kasoo jeeda Gobolka AwdalWaftigan oo ka kooban siyaasiyin iyo salaadin ayaan la garanyn ujeedadooda dhabta ah ee ka dambeysa safarkooda Borama, ayaa sheegay inay usocdaan arimo ku saabsan horumarinta bulshada oo ay ka mid tahay Jaamacada Camuud, dhinaca biyaha iyo ganacsiga si ay iskooga kaashadaan labada gobol.
Dhawr jeer oo aan isku daynay inan wax ka weydiino ujeedada safarkooda waxay ku gaabsadayn arimo bulsho oo kaliya, balse ilo kale ayaa shegaya inay u socdaan taageero ay u raadinayaan Axmed Cabdi Xaabsade oo lagu wado inuu ka mid noqdo golaha guurtida somaliland si marka dambe loogu badalo Gudoomiyaha Golaha Guurtida, Saleeban Maxamuud Aadan oo isagu mudo dheer dibada ku maqnaa arimo caafimaad awgeed.
ilaa hadaaya ma jiran warar madax banan oo muujinayaa xogahaasi balse dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee ka jira Hargeysa ayaa sheegaya in ay jiraan siyaasado ku lidi ah gudoomiyaha guurtida Saleebaan Gaal si booskiisa loogu badalo Xaabsade, tasina bay leeyihin waa sababta Waftiga reer Laascaanod u tageen Borama si ay taageero ugu helaan ololahooda ku aadan gudoomiyenimada Guurtida.
dad badan oo siyaasada indho indheeya aayaa ugu dhag taagaya Safarta Xaabsade iyo waftigiisu ku tagayn Borama, iyadoo dadka Hargeisa ku nooli ay qaarba si u sharaxayaan,
Waftiga ayaa intuu joogay la kulmay siyaasiyinta, aqoonyahanada iyo waxgaradka Magaalada Boorama.
Somalilandeurpotv
Hargeysa -Gudoomiyaha Xisbiga Muraacidka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa shaaca ka qaaday inaanay Somaliland waxba ka dhacayn 15 bishan May, oo ah xiliga ah ku eeg tahay Shantii sano ee Madaxwayne Rayaale la doortay sanadkii 2003. Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Md.Faysal Cali Waraabe wax uu sidaasi ka sheegay xaflad shahaaadooyin lagu gudoonsiinayay 23 kalkaaliye caafimaad oo muddo labo sano ah wax ka baranayay dugsiga Culuunta caafimaadka ee Shifo ee magaalada Hargeysa.
Faysal Cali Waraabe oo marxalada dalku marayo kaga hadlay Xafladaas ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga wada tashado sida loo wajahayo marxalada kala guurka ah ee dalku galay.
“15-ka bishan May waxaan umadda u sheegayaa in aanay Somaliland waxba ka dhacayn laakiin ay dhamaatay Muddadii shanta sano ahayd ee Madaxwayne Rayaale la doortay, loona baahan yahay in la xaqiijiyo oo dib loo meheriyo” ayuu yidhi Gudoomiyaha Ucid.
“Waa in laga wada hadlaa maxaa inoo dan ah? Shantii sano ee xukuumadan la doortayna way dhamaadeen wax muuqdana may qaban” ayuu intaasi raaciyay Faysal Cali Waraabe.
Gudoomiyaha Ucid muu cadaynin in ay Xisbiyada Mucaaridku ka noqdeen dibad baxyo salmi ah oo ay hore ugu baaqeen in taageerayaashoodu ay iskugu soo baxaan marka la gaadho 15-ka bishan May.
Taageerayaasha Xisbiga Kale ee mucaaridka ah ee Kulmiye ayaa magaalada Hargeysa Arbacadii todobaadkan banaan bax balaadhan oo ay ku muujinayeen siday ay uga hor jeedaan muddo kordhinta halka sano ah ee Golaha Guurtidu u krodhisay Madaxwayne Rayaale ku qabtay barxada hore ee Xarunta Xisbiga Kulmiye ee Magaalada Hargeysa.
Inalilaah wa Inaa ilaahu raajucuunBahda Radio somaliland iyagoo ka tiiraanyeysan geerida naxdinta leh Maruun Prof. Siciid MEYGAAG SAMATAR  oo shaly oo bisha May tahay 7 ku geeriyaday San Jose ee gobalka California ee wadanka maraykanka, Waxaan anaga oo ku hadlaan magaca dhamaan Shaqaalaha radio somaliland dibada iyo gudaba aanu Tacsi u diraan, dhamaan ehelkii iyo asxaabtii uu tagay Marxuun, Siciid.waxa aanu illaahay uuga baaryaynaa marxuumka naxariis iyo danbi dhaaf eheledii iyo asaxaabtii uu ka baxayna aduunka meelkasto ooy joogaanba samir iyo imaan Alla haka siiyo.
Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun
Tacsiyaha kale ee na soo gaadhay guji more read---------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Ina lilahi waa ina illihi raajicuun
Illahay naxareestiisa janno ha siiyo Saciid Maygaag Samatar, intu ka tagayna samir iyo imaan Allah ha ka siiyo.
si gaara waxaan u tacsiyadaynayaa, Ibrahim Maygaag Samatar.
Ibrahim Mead
UHWA USA Waxay tacsi hawada u Marinsaa Prof. Siciid MEYGAAG SAMATAR  oo maanta oo bisha May tahay 7 ku geeriyaday San Jose ee gobalka California ee wadanka maraykanka,
Mujaahid Said Maygaag Samatar, wuxuu tageero weyn u hayay Marshruuca kheryrka ah ee UHWA wado.
Waxaan anaga oo ku hadlaan magaca dhamaan UHWA dibada iyo gudaba aanu Tacsi u diraan,
dhamaan ehelkii iyo asxaabtii uu tagay Marxuun, Siciid.
waxa aanu illaahay uuga baaryaynaa marxuumka naxariis iyo danbi dhaaf eheledii iyo asaxaabtii uu ka baxayna aduunka meelkasto oosair iyo imaan ka siiyo.
Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun
UHWA, USA
Anigoo ku hadlaaya magaca Jaaliyadda Soomaliland ee Wales,kan xaaskeyga Amal Cumar Carte iyo magaca Reer Cabdi Carwo , waxaan tacsi u dirayaa xaaska, ubadka, walaalada,  ehelka, qaraabada, uu ka geeriyooday Aqoonyahanka weyne Siciid Meygaag Samatar oo shalay Arbaca 07/05/08 ku geeriyooday San Jose, California USA. INNA LILAA WA INAA ILLAYHI RAAJACUUN. Waxaan sidoo kale uga tacsiyadeynayaa shacbi weynha Soomaliland ee uu ka baxay Mujaahid weyn oo ku soo kifaaxay aqoontiisa.
Marxuum Prof. Saciid Meygaag Samatar waxuu ahaa aqoonyahan, halgamaa ah, mujaahid aan waxba ka hagran ummadiisa xiligii halganka iyo dibu dhiskii dalkaba. Waxuu qayb libaax ka qaatay aasaaska urur weynaha SOPRI ee u tafaxaydan kobcinta horumarka bulsho-dhaaqn-dhaqaale ee dalka hooyo. Waxuu ahaa udub-dhexaadka abaabulka shirweyne-sanadlaha ah ee SOPRI, laguna lafoguro wadciga dalka ka jira iyo xal u helidda mashaakilka siyaasadeed, dhaqaale iyo dhaqanba.
Waxa maanta Soomaliland ka baxay xidig ka dhex muuqday bulshada, oo u hibeeyey aqoontiisa si hagar la,aan ah, isagoon cidna abaal iyo manfac ka rabin. Waxuu ahaa nin af gaaban, gacan furan oo ficilkiisu taabtay darafyada dalka. Waa mataal ku yar ummadeena, waxaana waajib ah in xus iyo qadaris loo sameeyo.
Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu ku mannaysto jannatul fardows, dhammaanteena  samir iyo iimaan.
Axmed Carwo
Guddoomiyaha
Jaaliyadda Somaliland Wales
Cardiff
U.K
samotalis@gmail.com
Hargeisa - ROOB AAD LOOGU DIIRSADAY AYAA KA DA\'AY Galbeedka Gobolka Hargeisa iyo Gobal weynaha Gabiley  iyo nawaaxigiisa maalintii shaley iyo maantaba. wariyaha waxa uu sheegay in Roobabkii la sugayey mudaba ay guud ahaan ka wada da'een wadanka badideedsa.
ROOB AAD LOOGU DIIRSADAY AYAA KA DA\'AY Galbeedka Gobolka Hargeisa iyo Gobal weynaha Gabiley (Qodaal)þ
Waxaa Xalay ilaa maanta ka da,ay roob weyn laga soo bilaaba magalaada Hargeisa ilaa Magaalada Togwajaale. Roobkaas oo ahaa roob weyn oo ka curtay dhamaan dalkeena Somaliland
Dhinaca magaalada Allaybaday oo hada ku sugan waxaa ka da,ay roob aad loogu qaboobay, roobkaas oo ahaa mid aad u laxaadleh oo da,ayay mudo dheer waxa uu  wada buuxiyay dhamaan dhaamamkii waawaynaa ee Allaybaday, Roobkaa ayaa ay dadwaynaha ku dhaqan  deegaankaasi ay aad ugu qabowsadeen kadib jiilaal adag iyo kaliil dabadheeraatay  oo baryahan danbe ay dadka ku dhagan deegaanla Allaybaday ay bilaabeen hayaan ay ugu guurayeen meelaha ay raxmadu ka da'day si ay  xoolaha ugu helaan biyo iyo baad, balse maanta waxa ka muuqda dadka ku  dhaqan Allaybaday jawi ka duwan kii hore, taasi oo farxad iyo rayrayn badani ka muuqatay wajiyadooda.
Abu dhabi - Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadoow) oo ka mid ah madaxdhaqameedyada Somaliland ayaa shacabka iyo madaxdhaqameedka Somaliland ugu baaqay inay ilaaliyaan ammaanka guud ee Somaliland oo aanay dheg u dhigin dhawaaqyo dhiilo leh oo uu sheegay inay ka soo burqanayaan mucaaradka iyo muxaafidka Somaliland.
Boqor Cismaan Buurmadoow, oo isaga oo jooga magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta xalay khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu sheegay inay jiraan wasiiro cul culus oo ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, kuwaas oo uu ku eedayay inay aloosayaan wax uu ugu yeedhay suuq alool labaad oo aargoosi ah. “Marxaladan dalku maanta marayo, waan arkayaa, xaalad loo tudho ayaanay u eegtahay, sidaas ayaana loo baahanyahay ee in qas la rido looma baahna, Somaliland-na nasiib ayay leedahay oo cid kasta oo damacda inay dumiso uma hirgasho oo ilaahay nasiibkeeda ayuu ku garab galayaa. Waxaan u arkaa in buun buunin badani ku jirto oo xagga siyaasadda aad iyo aad looga buun buuniyo. Cid kasta oo mucaarad iyo muxaafad ah oo hadashay, hadalkoodu maaha hadalo u danaynaya dalka iyo horumarkiisa iyo isu soo dhawaynta, waa hadalo taag taagan oo aanay naxariis iyo isu soo dhawayni ku jirin. Markaas waxa loo baahanyahay in shacabku ka tashado oo madaxdhaqameedyadu deg deg isugu yimaadaan.”
Boqor Cismaan oo la weydiiyay inuu wax xidhiidh ah la soo sameeyay garabyada siyaasadeed ee Somaliland oo uu kala hadlay xalaada dalku marayo, waxa uu ku jawaabaya “Anigu Madaxweynaha waan la hadlay, qoladan mucaaradka ah maan helin laakiin dad ku dhow dhow ayaan helay, iyagana farriinta waan u faray oo waxaan ku idhi dalku wuxuu u baahanyahay in loo tudho haddii dastuurku idin siiyay inaad tartantaan, inaad tixgelisaan weeye. Midda kale waxaan u arkaa inay baadil isku haystaan, kordhina xaq uma leh, koomishankuna dad shaqadiisa garanaya maaha, koomishanku inay doorashada salaxaan weeye. Mudadaas ay guurtidu kordhisay waxaan u arkaa muddo macquul ah, marka loo eego xaaladdan taagan.”
Boqor Cismaan, waxa uu eedayn u soo jeediyay xubnaha koomishanka doorashooyinka, waxaanu yidhi,
“Koomishankan oo la bedelo mooyee doorashaba ma dhacayso, koomishankani maaha niman shaqada garanaya, saddexda xisbi inay muddo ku heshiiyaan xaq uma leh ee waxay ahayd inay wakhtigeedii doorashadu dhacdo, haddii ay dhici weydana waxa imanaya xeer jajab, xeer jajabna cid guurtida uga xaq lihi ma jirto. Waxaan leeyahay xisbiyadu ha sugaan mudadaas yar ee guurtidu kordhisay, dalkuna intaas ma dawlad la’aan karo. Walaahi ayaan ku dhaartaye, haddii ay laba sanno oo dambe sii joogaan, nimankan koomishanka ahi maaha rag wax qaban kara oo hawsha ka soo bixi kara.”
Mar boqorka la weydiiyay waxyaabaha uu Madaxweynaha ku yidhi, waxa uu ku jawaabay “Madaxwenaha waxaan ku idhi dadka cod dabacsan kula hadal, cod adag uma baahnee, cod isu soo dhawayna kula hadal. Anigu waxaan u arkaa xisbiyadu waxan ay ku dagaalamayaan inaanay gar u lahayn, xukuumaduna inay doorashada u diyaar garowdo mooyee inay ku dagaalanto xaq uma leh.”
Boqor Cismaan oo la weydiiyay in Madaxweyne Rayaale ka aqbalay waanadaas uu u soo jeediyay waxa uu yidhi, “Waayahay ayuu yidhi, taladaada waan qaadanayaa, sidii nin qaatay ayuu iila eekaa, laakiin waxaan ogahay laba qolo oo kala ah qolo mucaaradka ah oo doonaya inay dalka qas ka rido oo ay meel daran inaga tuuraan iyo wasiiro culculus oo Rayaale aad ugu dhow dhow oo baadi doonaya inay suuq alool labaad oo aargoosi ah dalka ka sameeyaan, waa qolo ku riyoonaysa suuq alool cusub, waana wasiiro culus oo Madaxweynaha aad ugu dhow, waxaanay dagaal la doonayaan beel gaar ah.”
Boqorku wuu ka gaabsaday inuu magacaabo Wasiiradaas uu sheegay iyo weliba masuuliyiinta sare ee ka tirsan mucaaradka ee uu iyagana xusay inay dalka la doonayaan qas, waxaanu yidhi, “Ma doonayo inaan tilmaamo, laakiin qolo waxay ka mid tahay Madaxda waaweyn ee mucaaradka oo waxay doonayaan inay maraan jidkii uu Cabdiraxmaan Tuur maray ee uu yidhi Somaliland iga dambayn mayso. Kuwa kale ee Wasiirada ahna tilmaami maayo oo shacabku wuu garanayaa wasiiradaas culus ee dalka la doonaya suuq aloolka cusub ee aargoosiga ah, waana wasiiro beel gaar ah dagaal la doonaya.”
Ugu dambayn isaga oo la hadlaya xisbiyada Mucaaradka waxa uu yidhi, “Waxaanu leenahay doorasho rasmi ahi dalka ha ka dhacdo, mudada guurtidana waxba yaan laga yaacine hala sugo…shacabka iyo madax dhaqameedyaduna ammaanka ha adkeeyaan…”
Madaxweyne Geellle oo Markii u Horaysay Qiray in Xaaladda ka Dhaxaysa Wadankiisa iyo Ereteriya Qarka U Saarantahay Dagaal
Wargeyska Geeska Afrika
Hargeysa - Isu soo baxa balaadhan ayay Maanta Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye iyo taageerayaashiisu ka sameeyee barxada weyn ee Xarunta guud ee Xisbigu ku leeyahay Magaalada Hargeysa horteeda, isla markaana waxa dadweynaha halkaasi kula hadlay Masuuliyiinta kala duwan ee Kulmiye.Banaan-baxan oo ka dhan ahaa Xukuumadda Madaxweyne Rayaale, ayaa ilaa xalay abaabulkiisu socday, waxa barxada weyn ee Xarunta Xisbiga hortiisa isugu soo baxay dadweyne tiro badan oo lagu qiyaasay tiro kun ku dhaw.
Hase ahaatee, isu soo baxan ayaa ahaa mid si nabadgalyo ah u dhacay, oo aan wax rabshado ah wadan, iyada oo Ciidamada kala duwan ee dawladuna ku hareeraysnaa goobtaasi la isugu soo baxay.
Ugu horeyn waxa fagaarahaasi kala hadlay dadweynaha isu soo baxay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo sheegay inay iyagu cid walba ka jecelyihiin nabadgalyada dalka oo jirta, isla markaana aanu Xisbiga Kulmiye ahayn kii maanta looga shakiyi lahaa mid nabadgalyada waxyeelaynaya. Waxaanu u mahad-naqay guud ahaanba dadkii taageerayaasha ahaa ee isu soo baxay.
“Waxaan idiin sheegayaa Kulmiye maanta maaha Xisbigii looga biqi lahaa inuu nabadgalyada dalka bur-buriyo, kulmiye shacbiga Somaliland intiisa badan ayaa taageerta, waxaanu u damqanayaa guud ahaan nabada iyo danaha ummadiiisa.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed-siilaanyo
Waxaanu ku dooday Guddoomiyuhu inay xaq dastuuri ah u leeyihiin inay isu soo bax ku muujiyaan dareenkooda, “Iyada aynu nabadgalyada ilaalinayno, wada jirka ilaalinayna, danta shacbigeena ilaalinayna, xaqa dastuurkeenu ina siiyay ilaalinayna, oo aan cidna waxba yeelaynin waa inaynu dareenkeena cabiraa walaalayaal. Marka muddadu Madaxweynaha ka dhamaatana hadaan xaaladan wax iska bedalin waa inoo balan inaynu dareenkeena si nabadgalyo ah ugu cabiro isu soo baxan oo kale, waana inoo balan inaynu sii wadno.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyuhu.
Guddoomiyaha Xibiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuus (Siilaanyo), isaga oo ka hadlaya halka xaalada dalku marayso waxa uu yidhi, “Xaalada halkay marayso waynu ognahay oo waynu ka wada dharagsanahay, iyada oo nabadgalyada Somaliland shacbiga meel kasta oo uu joogo xil ka saaran yahay ilaalinteeda oo uu xilkeeda qaadatay, oo mar kasta oo nabadgalyada bur-bur ku dhaco cida bur-burisaa ay xukuumadda jirta ahayd, cida ilaalinaysaana ay ahayd shacbiga Somaliland, cida cadawga iyo argagixisada qabanaysana shicibka ayay ahayd. Halka cida sharciga iyo nabadgalyada ku tumanaysaana ay tahay Xukuumadda maanta jirta ee Madaxweyne Rayaale.”
Isla markaana waxa uu xusay Axmed-siilaanyo in Xisbigooda culays iyo cadaadis badan ay xukuumaddu saartay, oo dad badan oo ka mid ah Masuuliyiinta iyo taageerayaasha Kulmiye loo xidh-xidho bilaa sabab, isaga oo dhaliilay muddo kordhintii Guurtida, oo uu ku tilmaamay mid sharci-daro ah.
“Waxaanu leenahay Madaxweyne Rayaale muddadii lagu doortay markay kaa dhamaato, adigu ma lihide ha iska sii rambiqin meesha, waxaanu leenahay ha isa soo hor fadhiistaan Axsaabta Qaranka oo ha la is waydiiyo oo ha la yidhaahdo walaal maxaynu yeelaa. Dib u dhaca doorashooyinka waxa masuuliyadooda iska lahaa Madaxweynaha Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Axmed-siilaanyo, waxaanu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi,
“Waxaanu leenahay hore samir ayaanu dalka iyo dadkaba ugu yeelanay imikana waanu u yeelanaynaa, iyada oo marar badan dib u dhacday doorashadii oo uu waajibaadkiisii ka soo bixi waayay hogaankii qaranku, waxaanu leenahay marka ugu horeysa ee la qaban karro ee Guddada ku shaqada lihi garato in la qabto diyaar ayaanu u nahay.”
Waxaanu sheegay Guddoomiyuhu in ay jiraan mishaakilaad badan oo ay xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku hayso dadka maatida ah ee shacabka ah oo ay dil iyo xadhig sabab la’aan ah kula kacdo,, gaar ahaan taageerayaasha Kulmiye, taasina ay tahay dulmi aan la qaadan Karin.
Isaga oo si gaar ah ula hadlayay Guddoomiyaha Kulmiye Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale, waxa uu yidhi, “Madaxweynaha Baarlamaanka ka dhex yidhi waa la siqiiri doonaa, ee rag kale yidhaahdeen Xabsigii Mandheera waanu haynaa, Madaafiicdiina waanu haysanaa, Madaafiicda waa nalala dhici jiray oo kamaanu biqi jirin, Xabsiga Mandheera laga biqi maayo oo waa loo diyaar ragbaana hore u galay, Madaafiic baanad sheegaysaaye horaad Daahir Rayaalaw Diyaarado ula dhacday Shacbiga Reer Hargeysa. Markaa maanta ha nagu bajinin, kuwaad ku bajin lahaydna ma nihin.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Xildhibaan Maxamed Axmed Obsiiye, oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Xisbiga Kulmiye ugu jira, ayaa sheegay, isla markaana dadweynaha u soo jeediyay inay iyagu Xisbi ahaan yihiin Xisbiga u taagan nabadgalyada, sidaa darteedna taagaarayaasha looga baahan yahay inay ku sii dedaalaan adkaynta nabadgalyada, iyaga oo la shaqaynaya Ciidamada amniga.
Xildhiibaanku waxa uu ku dheeraaday qiimaha ay nabadgalyadu leedahay, iyo tilmaamaha ay diinta Islaamku ka bixay.
Xildhibaan Cali Aw Yuusuf Axmed, oo isaguna ka mid ah Mudanayaasha Aqalka Wakiillada, isla markaana laga soo dhex doortay Xisbiga Kulmiya, ayaa sidoo kale sheegay in uu Madaxweynaha talada hada hayaa si nabadgalyo ah maamulka dalka ku qabtay, isla markaana looga baahan yahay inuu si nabadgalyo ah uga dego marka xilku ka dhamaado,
“Xisbiga Kulmiye Madaxweynuhu 80 cod ayuu kaga helay, waananu haniyaynay. Markaa waxaanu leenahay Madaxweynuhu taariikhdii SNM oo kale ha sameeyo, oo si nabadgalyo ah ayuu ku yimi ee si nabadgalyo ah hakaga tago, oo doorasho ayuu ku yimi ee doorasho xaq ah oo xalaal ah ha sameeyo oo hagaga tago, haduu sidaa yeelo taariikhda Somaliland meel ayuu ka galayaa.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cali Yuusuf.
Waxaanu xaq-daro ku tilmaamay Md. Cali Yuusuf, muddo kordhintii Guurtidu dhawaan u samaysay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa, “Waxaynu ogayn in dhawaan Golaha Guurtidu ay Madaxweynaha sannad u kordhiyeen, sannadkaasi anagu uma aragno sanad xaq ah inuu yahay, waayo dastuur ayaa inoo yaala, oo Dastuurkeenu waxa uu leeyahay Madaxweynaha muddadu markay ka dhamaato waa in doorasho la qabto, hadii aanay dhicin arrimo nabadgalya daro awgeed ah.”
Waxaanu ku dooday Xildhibaanku, in ay Somaliland aduunka ka iibin jirtay laba shay, isla markaana ay labadiiba guurtidu beenisay, isaga oo arrimahaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi, “Aduunka waxaynu ka iibinaa laba shay, kuwaas ah wadankeenu inuu nabad yahay iyo inaynu dimuquraadi nahay, labadaasbana waxa beeniyay Guurtida, oo iyada oo aynu nabad nahay ayay yidhaahdeen sannad ayaanu u kordhinay, dimuquraadiyadii socotay intay ka talaabsadeen ayay sannad kordhiyeen.”
Sidoo kale Mudane Cali Yuusuf, waxa uu sheegay in dastuurka Qaranku dhigayo Golaha Guurtida marka muddadu ka dhamaato in la soo doorto, hase ahaatee ay taasi ka talaabsadeen ka dib markii ay muddo afar sannadood ah isu ansixiyeen. Sidaa daraadeedna kolhadii aanay sharci ku fadhiyen iyagu waxay kordhiyeena aanu ahayn wax sharciga waafaqsan, balse uu yahay xaaraan.
Guddoomiyihii hore ee Guddidii doorashooyinka Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye, ayaa isna fagaarahaasi kala hadlay dadkii isugu soo baxay , waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi,
“Waxaan idiin sheegaya imtixaanka aduunka oo dhami wuu soo maraa waxaan lagaga guulaystaa dulqaadka ay dadku sameeyaan, oo shacbiga dulqaata ee dhabar-adayg sameeyaa mishkilad kasta wuu ka gudbi karaa, maanta waxa la inooga baahan yahay dhabar-adayg.” Sidaa ayuu yidhi Cadami.
Isaga oo faah-faahin ka bixinaya ujeedada isu soo baxan ay isugu yimaadeen masuuliyiinta iyo taageerayaasha Kulmiye waxa uu yidhi, “Ujeedada Xafladan maadaama aan hore loo sheegin, waa kulankii ugu horeeyay shir Xisbiga iyo Madaxdiisu isugu timaado, kii u dambeeyayse maaha ee wuu bilaabmay, waanu sii soconayaa, halka Hargeysa ugu dambeeysa waaynu ka soo lugaynaynaa marka Basaska la inoo diido, oo wadamada qaar dadku iyaga oo lugaynaya ayay dhinteen oo aanay nimcadii xorriyada gaadhin, iyada oo uu haystay Isticmaar adag oo keenan iska ooraydhka ah ee aynu inagu samaysanay, deebadeedna inagu yara kululaaday mid ka xoog roon ayay u babacdhigeen. Dabadeedna dadkii way soo gaadheen, intii soo gaadhi waydayna Carruurtoodii ayaa soo gaadhay.”
Guddoomiyihii hore ee Guddida doorashooyinku, mar uu ka hadlayay qaabka qaldan ee ay dadku wax u isticmaalaan waxa uu yidhi uu yidhi, “Waqtigii Xamar la joogay ee xaaladu ay kululayd, ee la kacaamaysnaa ee ay ciidamadu wax walba soo qab-qabanayeen, waxa aan raacay qolo wafti ahayd oo meel ayaa la soo furay guri ah uu lahaa maamulihii degada Marka oo Talyaani ahaa, guraga waxa la yidhi waa cusub yahay, aniga laftayda waa la I caameeyay oo waan u qaatay inuu cusub yahay, sannadkii dambe ayaa la yidhi ina keen, waanu tagnay mise gurigii ayaaba la rinjiyeeyay mar labaad, isla markaana gurigaa rinjigu ku socdo ayaan sheeko ka bixiyay oo waxaan idhi ‘Ma laga baqaa gurigaasi inuu hadlo maalin maalmaha ka mid ah, oo uu yidhaahdo waar wax kasta igu qaba oo, rinjiga faraha badan iga daaya.”
Isaga oo h adalkiisa sii watan waxa uu Cadami intaasi ku daray oo uu yidhi, “Marrkaa waxaan maanta leeyahay sidaa si le’eg ma laga baqaa nabadgalyada wanaagsan ee aynu ku jiro in aynu maalin ka hadlino, oo ay tidhaahdo qoldan masaakiinta ah maahaa cida nabadgalyada xumaynaysaa waa qolada awooda leh (xukuumadda), haday hadli waydo inaga ayaa ka hadli doonaa.”
“Ummad garnaqsatay ayaynu nahay, oo aynu dhaqan u leenahay wada-hadal,, wada fadhiisan iyo is daw marin la dawmariyo qofka wax tirsanaya dhaqankeeniina ma bedalayno, hawl yarina laguma bedali karo oo dhaqankaynu ilaashanaynaa, waana lagama maarmaan in miiska la isugu yimaado oo laga wada hadlo khilaafaadka jira, cadaaladuna waxay ku jirtaa oo kaliya in la wada-hadlo.” Ayuu ku sii ladhay hadalkiisa Axmed Xaaji Cali Cadami.
Isla markaana isaga oo si gaar ah ula hadlaya Madaxweyne Rayaale iyo sidii uu ula dhaqmay markii xilkii Komishannimo ka dhamaaday waxa u yidhi,