Opinions











Google
 
Web Somaliland

Radio Hargeisa Halkan ka Dhagayso


Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Ku Dhawaaqay Natiijada Hordhaca Ah Ee Gobolka Soo

12 Oct, 2005 -
cv
Hargeysa – Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaran, Mr. Axmed X. Cali Cadami ayaa maanta ku dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee doorashada Golaha Wakiillada ee Gobolka Sool

Guddoomiyaha Komishanku shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa, waxa uu sheegay in Lixdii kursi ee ay saddexda xisbi ku tartamayeen ay u kala heleen; saddex kursi oo uu ku guuleystey xisbiga UDUB, laba (2) kursi oo uu helay xisbiga KULMIYE iyo Hal (1) kursi oo Xisbiga UCID ah.

Waxayna kala yihiin musharaxiinta tartamayaasha ah ee Guuleystey iyo xubnaha aan iyagu tartamayn, balse xisbiyadu ku kala helayaan codadka ay kala helaan (proportional):-

XISBIGA UDUB

1. Aadan Tarabi Oogle 2586 cod
2. Maxamed Dhunkaal Guutaale 2166 cod
3. iyo Xariir Siciid Bullaale 1923
Xubnaha Proportional-ka uu xisbiga UDUB ku helayna waxay kala yihiin:

1. Maxamed Axmed Dhakool
2. Saleebaan Yuusuf Cali Koore
3. iyo Cabdiraxmaan Muuse Jaamac


XISBIGA KULMIYE

1. Ibraahim Axmed Reygal 2190
2. Axmed Ducaale Bullaale 2072
Xubnaha xisbiga KULMIYE ay u soo saareen labada tartamena waxay kala yihiin:

1. Baashe Maxamed Faarax
2. Maxamed Jaamac Cabdi

XISBIGA UCID

1. Cabdulqaadir Askar Xasan 1070
2. Iyo Siciid Maxamed Cilmi oo isagu ah xubnaha aan tartamayn (proportional).

Gobolka Sool oo doorashadu ka dhacday labada degmo ee Caynabo iyo Yagoori, waxa sanaadiiqdiisii cod bixinta loo soo qaaday xarunta dhexe ee Komishanka, kadib markii khilaaf xoog lihi ka dhashay tirinta laba sanduuq oo lagu muransanaa. Hase yeeshee, dhammaan sanaaduuqdii lagu muransanaa waxa tirtiray guddiga dhexe ee Komishanka.

Gobolka Sool waa gobolkii shanaad ee natiijada hordhaca ah ee doorashada lagu dhawaaqo, ilaa iyo haddana waxa hadhay Gobolka Hargeysa oo isagana khilaaf xoog lihi ka soo cusboonaaday ilaa xalay tirinta codadka.

Cabdirisaaq M. Dubad, Hargeysa.
Xigasho: Somaliland.org

« Prev item - Next Item »
---------------------------------------------

Comments


No comments yet. You can be the first!



Leave comment


This item is closed, it's not possible to add new comments to it or to vote on it