Opinions











Google
 
Web Somaliland

Radio Hargeisa Halkan ka Dhagayso


SOMALILAND TV OO LAGA DAAWADAY DHAMAAN GOBOLADA S/LAND

13 Jan, 2008 - Saturday, 12 January 2008
SL TV
SOMALILAND TV OO LAGA DAAWADAY DHAMAAN GOBOLADA S/LAND

SOMALILAND TV oo uu leeyahay nin ganacsade ah ayaa markii ugu horaysay laga daawaday sanadka cusub ee 2008 dhammaan gobolada Somaliland iyo meel kale oo aduunka ah oo badan.

Waxa dhawaan hawada si tijaabo ah u soo galay SL TV oo uu leeyahay ganacsadaha la yidhaahdo Baxsane kadib markii dadaal badan u sameeyey sidii ay dhammaan gobolada Somaliland ugu xaq soori lahaa isla markaan xaaladda wadanka si isku mid ah ay muwaadiniinta wadanka joogtaa ula wada socon lahaayeen.

SL TV ku bilaabay heeso xiiso badan. Waxa uu ku xigsiiyey daawashada halgankii dheeraa ee dadka reer s/land wadankooda hooyo u soo mareen, iyo taariikho badan oo dadka da' yarta ah ka maqnaa, marka laga reebo hadalo kooban iyo qoraalo joornaalku baahiyaan. Kuwaas oo waliba dadka heli jiray ay aad uga yaraayeen kuwa hada SL TV ka helay taariikhada wadanka hooyo iyo halgankii wadanka lagu xoreeyey.

Dadka reer Berebera ayaa aad iyo aad ugu soo xoomay meelaha laga daawada diishashka ARABSITE ah kadib markii ay maqleen SL TV ayaa hawada ku jira iyo barmaamujyada uu ku bilaabay. Dhamaan dadkii daawanaayey waxay aad iyo aad ugu mahadnaqayeen mulkiilaha SL TV iyo hawlwadeena xaqiijiyey hadafkoodii ahaa in ay dadka reer Somaliland ee ku kala nool lixda gobol loo cadaalad sameeyey oo ay xaq u leeyihiin in ay helaan meel ay kala socdaan waxyaabah ka jira caasimada..

Dad meel ka daawanayey SL TV ayaa mar uu soo galay nin magaciisa la yidhahado C/laahi Axmed Aadan (Koongo) oo waraysi laga qaadaayey ku saabsan taariikhdiisa..

Ayaa waxa oday ka mid ah raga berberi adeegsato marka hawl odayaal timaado ayaa yidhi inta kor u booday alla sow kaaa madaxweya Riyaale.

Dhamaan dadkii cawayska joogay ayaa qaarna qosleen qaar moodeen in uu riyaale yahay oo yidhaahdaan waar ma kaasaa madaxweynaheenu, odaygii ayaa mar kale yidhi adeer isagii maaha miyaa isagoo markaa su’aalaaya ninkii ugu dhawaa dadka goobta joogay.. laakiin ninkii su’aasha la waydiiyey ayaa ku jawaabay taaslaa la leeyahay ha is raacdo..

Hadaba waxaan leenahay SL TV waad ku mahadsan tahay dadaalka aad u samaysay in dadka reer Somaliland ee dalka gudihiisa joogaa ay helaan meel wax kale iska daayoo ay madaxdooda ku kala bartaan.

Waxaana SL TV qabtay wixii ay qaban kari wayday xukuumadda Somaliland oo iyadu tv iska daayoo IDAACADII 18 sano haleeya soo dhaafin kari wayday.

Waxaana aan leeyahay SL TV hanbalyo iyo gacmo furan ayaa meel walba dadku kugu soo dhaweynayaa waxaana aad mutaysatay biladda ay bixiyaan dadka reer S/land ee sanadka 2008, waa hadii aad ku sii wato sidaa aad hadda tahay ama ka soo kordhisidba.

SL T

« Prev item - Next Item »
---------------------------------------------

Comments


No comments yet. You can be the first!



Leave comment


This item is closed, it's not possible to add new comments to it or to vote on it